Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran ee Somaliland oo Ku Dhawaaqay Gurmadka Abaaraha

Hargeysa – (warsoor) – Guddida Gurmadka abaaraha Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay baaqan gurmadka abaaraha ee sida weyn ugu habsaday goboladda bariga Somaliland.

Guddidda oo maanta oo arbaca ah ku qabtay qasriga mdaxtooydda Somaliland inay abaar baahsan oo saamaysay dad hal milyan ka badan.

Guddida ayaa shacbiga iyo cid kasta oo ka qayb qaadan kartaba ugu baaqday in gurmad loo fidiyo dadk ay abaartu aafaysay.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa ka waran gudiyaddii ay xukuumaddu u dirtay gobolada ay abaartu ku dhufatay iyo sidii ay xukuumaddu ugu kuur gashay xaalada abaarta ee dalka ka jirta.

HALKAN KA DAAWO KALMADDA WASIIRKA DIINTA:

Shirkan jaraa’id waxaa ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka Guddida Gurmadka Abaaraha ee Qaran Sheekh Xasan Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey xaalada abaarta ee dalka ka jirta.

Halkan ka daawo kalmaddii Sheekh Xasan Cabdisalaan:

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamud Haashi ayaa isna ka hadlay shirka jaraa’id ee Guddidda Gurnmadka Abaaraha Somaliland, waxaanu sheeegay in madaxweynaha Somaliland uu kulan isugu yeedhay Golaha wasiiradda lagumna eegay xogaha laga soo uruuriyey abaarta dalka ka dilaacday.

Halkan ka daawo kalmaddii wasiirka madaxtooyda Somaliland:

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.