Guddida Farsamo Ee Fulinta Siyaasadda Maamulka Dhulka ayaa Kulankoodii 7aad Ku Yeeshay Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Shir Gudoomiyey shirkii 7aad ee Guddida Farsamo ee Fulinta Siyaasadda Maamul Dhulka ee Heer Qaran, kulan ayaa ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyey Siyaasadda Dhulka iyo Sidii Wasaaradda waliba doorkeeda sharcigu siiyey ay qaatan lahayn, sidoo kale shirkan ayaa lagaga dooday Qodobada ka fuley shirkii kan ka horeeyey oo ka qabsoomay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkan ayaa la iskula qaatay in la magcaabo Guddida ka Garnaqa Dacwada Dhulka, kuwaasoo ay iska arkayaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Cabdilaahi Abokor Cismaan,ka dibma Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guduhu ku soo saarayo Wareegto Wasiirka, Guddidan ka Garnaqa Dacwadaha waxaa sheegaya Xeer 17.

Guddida Wasiirada ah

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryaynta Cabdilaahi Abokor Cismaan Cismaan.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iiman Warsame.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Axmed Aadan Gurey.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Cabdilaahi Faarax Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Shugri Ismaaciil Baandare.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdirisaaq Albaani.
Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.

Waxaa kale shirkankan ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.