Guddida Doorashada Somaliland oo shaaciyey Jadwalka Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida Doorashada Jamhuuriyada Somaliland ayaa shaaciyey Jadwalka Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo dalka ka bilaabmaysa dhamaadka Bishan November.

Guddida ayaa soo saaray kaltanka gobolada iyo degmooyinka looga qabanayo Diwaan-gelintaasi, waxaana shaxda qaabka loo qabanayo Diwaan-gelinta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddida Cabdirashiid Riyo-raac oo Sabtida maanta la hadlay Warbahinta.
Diwaan-gelintan ayaa ah mid ku celis ah oo fursad lagu siinayo dadkii aan isu-diwaan-gelin codbixiyeyaasha.

HALKAN KA DAAWO WARKAN: