Guddida Arrimaha Debedda, Iskaashiga Calaamiga ah, maalgashiga iyo Qorshaynta Qaranka oo Kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Hargeisa, – (warsoor) – Guddida Arrimaha Debedda, Iskaashiga Calaamiga ah, maalgashiga iyo Qorshaynta Qarank oo uu hogaaminaayay Guddomiyaha Guddidu, Gud. Mohamed Jama Ismail (Koodbuur) waxa ay xarunta Baarlamanka kulan kula yeesheen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Dr. Ciise Kayd oo uu wehelinaayay Wasiir ku xageenka Wasaaraddu mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi iyo xaqiiqo-raadis la xadhiidha shaqada baaxadda leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ahi Qaranka u hayso, ee ay ka midka yihiin Aqoonsiraadiska iyo xoojinta xidhiidhadda dibadu.

Wasiirka ayaa Guddida uga war-bixiyey shaqada ay qaranka u hayaan , dedaaladda ay illaa hadda sameeyeen iyo qorshayaasha aqoonsi raadiseed ee ay Qaranka wakiil ka uga yihiin.