Guddida Abaaraha Heer Qaran Iyo Wasaaradda Caafimaadka Oo Fariimo U Diray Bulshada Somaliland Iyo Culimada Dalka Si Looga Hortago Xanuuno Ka Dhasha Biyo Fadhiisimada

Hargeysa – (warsoor) –  Shir ay maalmihii u danbeeyey Madaxweyne ku xigeenka, iyo Guddida Abaaraha ee heer qaran ku lahaayeen Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga hadlaayey sidii taakulo loo gaadhsiin lahaa dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, ka dib markii uu shirkaasi soo dhamaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo Iimaamada Masaajidada iyo Culimada dalka ugu baaqay inay Khudbadaha Jimcaha kaga hadlaan muhiimada Nadaafada si loo xakameeyo cudurada faafa ee ka dhalan kara goobaha biyo fadhiisinada ah sida Baliyada iyo Baraagaha.

Sheekh Khaliif Cabdilaahi Axmed Wasirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland waxa uu yidhi “Waad ka war haysaan walalayaal Abaar baynu la tacaalaynay Todobadii bilood ee u danbaysay, qaranka Somaliland wuxuu dhammaantii ku jiray heegan isagoo kaashanaya  Ganacsatadiisa dadweynihiisa kala duwan, Xubnaha Bulshada iyo hay’addaha Caalamigaa kuwa Islaamigaa ama caalamigaa wixii waxtar aynu ka helnay intaba, waxaynu gaadhsiinaynay  Todobadaa biloodba dadkeena abaaraysayn ee abaartu ku habsatay oo ay ugu horeeyaan Gobolada Bariga,  imikana aynu rajaynayno in Raxmadii Ilaahay inoo da’ado horaanteediina aynu hayno”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inuu shirku daarana muhiimadana lagu saaray “ Waxa runtii maanta shirkeenu daaranaa  sidii looga wada tashan lahaa loona xakamayn lahaa Cudurada  faafa, haday tahay Shuban Biyood haday tahay Kaneeco IWM oo runtii marka abaartu dhacdo ama dadku Nafaqo beelaan ay inta badan ku dhacdo, markaa meel fiicana waa noo maraysaa aad iyo aad bay Wasaaraddu uga shaqaysay annaguna waxaanu taakulo tari karaynay waanu gaadhsiinay waanu kala shaqaynaynaa ilaa inta Ilaahay (SWT) inaga saarayo Abaarta iyo Cudurada Insha Allaahu Tacaala”

Sheekhu waxa uu Culimada dalka ku booriyey inay dadka ku wacdiyaan ilaalinta Nafaada iyadoo qeyb ka ah Imaanka “Waxaan dadweynaha ku boorin lahaa maadaama aynu dad islaama nahay ummad nadaafadeed nahay ummadii dhaqanka Ilaahay lagu soo dejiyey ay is nadiifiso aynu ahayn waxaanu leenahay walalayaal gacmaha awalba waynu maydhi jirnay oo wayso kasta waan ku maydhnaa, cuntadana waynu iska karinaa waynu naqaanaa oo ma cuno cunto qeydhin, lakiin biyaha waynu sahashana biyuhu goobaha ay inoo galeen roob ha geliyo ama booyado halagu shubee waxaa lagama maarmaana inaad dalbataan iyadoo ay wasaaraddu idinla garab taagan tahay biyo sifeeyihii (Chlorine) lagu sifaynayey biyaha in dhammaan baraagaha iyo baliyada lagu shubo biyo sifeeyahaas iyo (Chlorine) taas dadkuna biyaha ay soo qaateen iska karkariyaan oo biyuhu marka la kariyo jeermiskii la socday waa ka dhimanayaa waynu ognahay jeerkisku maanta waynagu farabadan yahay oo xoolaheenii baa bakhtiyey, 

xoolaheeniibaa gooryan ka dhashay, xoolaheeniibaa meelkasta daadsan markaa biyihii meesha aad filaysaan ee gacankaa mooyaane dhulkii kale oodhan bay kasoo dareerayaan dabadeena waxay ku dhacayaan meelkasta oo go’dan oo biyo inoo qaban jirtay, anigoo si gaara ula hadlaya culimo awdiinka qaranka iyo iimaamada iyo mu’adiniinta inay masaajidada jimcaha berito kaga hadlaan ay kusoo qaataan mawducfa nadaafada iyo safaynta baliyada, gacamada iyo dhulka biyo mareenka ah inay safeeyaan oo dadweynaha ku boorisaan u sheegtaan maadaama ay tahay masalo sharciya oo Diini ah oo Ilaahay (SWT) ina faray ( Al-Nadaafatul Minal Iiman) Ilaahayna nadaafada wuu jecelyahay  waana nadiif Ilaahay”

 

Dhanka kale wasiiru dawlaha wasaaradda caafimaadka  Maxamuud Jaamac Galaal ayaa xusay doorka ay ka wasaarad ahaan ku leeyihiin xakamaynta iyo la tacaalista xanuunka shubanka isala-markaana ay wasaaradoodu ku jirto xaalad heegan ah sidoo kalena waxa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ilaaliyan Nadaaafada si ay Saxadu u wanagsanato Cudurada faafana looga hortago waxaana hadaladiisi ka mid ahaa sidan “Waxaanu ka soo baxnay shir,  shirkaasi waxa uu daaranaa gar-gaarka degdega ah ee loogu talo galay in lagu xakameeyo cudurada ka dilaacay dalka siiba shuban biyoodka waxaanu aad ugu mahad celinaynaa Madaxwayanaha Jamhuuriyada Somaliland iyo xukuumadaba waxaanu si gaara ugu mahad celinayaa guddida abaaraha oo si weyn noola shaqaysay. Imika xaalad degdega ayaanu ku jirnaa roobab ayaa da’ay waxaanu leenahay biyaha halayska kariyo oo kiniinada ay wasaarada caafimaadku qaybinayso hala isticmaalo 

biyo mareenada iyo gacamadana bakhtiga xoolaha halaga duwo nimco kastaaba nusqaan lehe aynu ka taxadirno roobabkaas”.

Halkan ka daawo warka:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.