Hargeysa – (warsoor) – shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ee Khamiista ayaa lagu ansixiyey laba xeer.
Kulankii Golaha wasiiradu khamiista oo ka dhacay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa ahaa kalfadhigii 222aad maanta oo ay taariikhdu tahay 20.07.2017.
Shirkan waxaa shir gudoominayey madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxaa cod loogu qaaday ansixinta laba xeer oo kala ah:
- Ansixinta qorshaha horumarinta qaranka ee 2aad.
- Ansixinta xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka.
Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer markii shirku soo xidhmayna waxa saxaafadda la hadlay wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta iyo afhayeenka madaxtooyada.
This post is also available in:
Somali