Golaha Wasiirada Soomaaliya oo oo ansixiyay hindise sharciyeed iyo xeer

Muqdisho – (warsoor) – Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulan ay Shalay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, xeerka lahaanshiyaha xuquuqda daabacaadda, siyaasadda waxbarashada Dalka iyo hindise sharciyeedka Ciidanka Booliiska.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lagu ansixiyay sharciga abuurka iyo noocyada Dhirta, Sharciga badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hay’adaha adeegyada baaritaanka Beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka Beeraha.

Shirka oo uu Guddoomiyay Ra’iisul; Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa kale oo lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-Af-garad ah oo dhex maray wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay Hoteelka Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle.

Dhammaan hindise sharciyeedyada iyo siyaasadaha Qaran ee Golohu meel mariyay ayaa qeyb ka ah dedaallada ay xukuumaddu ku dooneyso in howlaha iyo adeegyada shacabka Soomaaliyeed u heyso lagu saleeyo lagana tix raaco sharciyo iyo siyaasado cadcad oo si hufan loo diyaariyay.

Xigasho: SONNA