Golaha Wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2018

Muqdisho – (warsoor) – Kulan deg deg ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2018

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa lagu gorfeeyey miisaaniyadda Dolwadda ee 2018 taasi oo tiro ahaan gaaraysa 274 Milyen oo dollar taasi oo ka badan miisaaniyaddii hore.

Sidoo kale waxaa markii ugu horeysay lagu daray Miisaaniyadda ay yeelanayaan Akedemiyada cilmiga Fanka iyo Suugaan iyo Warshadda soo saarta dharka ciidanak qalabka sida.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale dhageystay talooyin ay soo gudbiyeen saraakiisha laamaha ammaanka,oo kamid ah in waddooyinka lagu xiro camero CC iyo in gaadiidka ka dhex shaqeeya Muqdisho loo sameeyo Taarigo lagu aqoonsado si loo ogaado gaadiidka banaanka ka imaanayo.

Ugu dambeyntii Golaha Wasiirada ayaa soo dhaweeyey qaabka ay u dhacday doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday deegaanada Soomaaliland.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.