Golaha Wakiiladda Somaliland OO Ansixiyey Mooshinka Wax ka badalka xeerka isgaadhsiinta

Hargeysa – (warsoor) – Xildhibaanada golaha wakiiladda Somaliland ayaa saaka soo dhigay mooshin ay ku saxeexan yihiin 20 mudane oo ku saabsan wax ka badalka xeerka isgaadhsiinta oo ay qeyb ka ahayd kootadii internetka ee shirkada Somcable.

68 xildhibaan ayaa cod ku meel mariyay waxkabadalka xeerkaasi halka xildhibaan kaliyana ka diiday gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Waxkabadalka xeerkan ayaa fudaydin doona in shirkado badan oo daneynayay inay dalka keenaan internet ay kusoo dhiiradaan maal gashiga dalkooda.

Faysal Fiifa