Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya oo Ka Hor Yimi Go’aanka ay Dawladda Federaalku Ka Qaadatay Xidhiidhka Kenya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu walaac xooggan ka muujinayaa go’aannada Xukuumadda muddo xilkeedu dhamaanayo ka qaadanayso arrimaha muhiimka ah ee saamaynaya danaha Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu u arkaa go’aanka ay xukuumaddu hoos ugu dhigayso xiriirka Kenya in uu yahay mid loo isticmaalayo olole doorasho ee aan loo xeerin danta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.Goluhu wuxuu madaxweynaha uga digayaa in uu siyaasadda arrimaha debedda dalka u adeegsado olole doorasho, nacayb iyo cadaawadna ka dhex abuuro labada dal ee deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Goluhu wuxuu ka welwelsan yahay saamaynta taban ee xiriir xumida labada dal ku yeelan karo Soomaalida ganacsiga ku leh dalka Kenya, ardayda wax ka barata, qaxootiga xeryaha Kenya ku jira, iyo dadka degan iyo kuwo safraya intaba.

Waxaa xusid mudan in sanadkii 2016 ay Kenya ay ahayd saldhigga ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo, iyadoo hal hayska ololihiisa doorashana uu ahaa in Itoobiya tahay cadawga Soomaaliya, Kenyana saaxiib, laakiin xilligan ay sida kale isku rogtay. Xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka dariska waa inuu ku salaysnaadaa danaha joogtada ah ee dalku leeyahay ee aysan marba la rogrogmin rabitaaanka, laablakaca iyo ololaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.