Golaha guurtida Somaliland oo ansixiyay ajandahooda kal-fadhiga 75-aad

HARGEYSA – (WARSOOR) – Golaha guurtida Somaliland ayaa ansixiyay ajandahooda kal-fadhiga 75-aad, kaas oo ay kaabis iyo wax ka bedel ku sameeyeen xildhibaanada golahaasi.

Fadhigii maanta Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Uu Shirgudoominaayey gudoomiyaha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahasai waxay cod gacan taag ah ku meelmariyeen ajamndahooda kalfadhiga 75-aad, halka shirgudoonka golahaasi ay ajandahoodaasi ku soo dareen qodobo ay tallo ahaan ku soo jeediyeen.

Ajandahaasi markii cod loo qaaday waxaa ogolaaday 52 mudanae, cid ka aamustay iyo cid diidey ma jirin gudoomiyuhuna ma codeyn, waxaana sidaa ku ansaxay ajandaha kal-fadhiga  75aad ee golaha guurtiada, oo u uku jiro wax ka badal-kii iyo kaabistoo lagu daray ajandahaas, waxaana fadhi dambe loo balamay maalinta bari ah, si ay mudanayaashu u gudo galaan ajandahoodaasi.