Golaha Guurtida oo Dood ka Yeeshay sidii Biyaha Dalka horumar loogu Sameynlaha

Hargeysa – (WARSOOR) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood ka yeeshay xaalada arrimaha bulshada, gaar ahaan xaalada biyaha ee horumarinta dalka.

Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xaalada biyaha dalka iyo sidii horumar loogu sameynlahaa, waxaanay soojeediyeen mudanayaashu in Dhaamam biyoodyada dalka ka jira dayactir iyo dhooba qaad loogu sameynlahaa, isla markaana wakaalada biyaha ee Hargeysa iyo wasaaradda horumarinta biyuhu ay iskaga kaashanlahaayeen sidii dardargelin loogu sameynlahaa, tobankii ceel degaanka Xunba-weyne.

Sidoo kale waxa ay mudanayaasha qaarkood talo ahaan ku soo jeediyeen in xukuumadda JSL, dowladda Taywan ka dalbato 10 Wiish oo lagaga shaqeeyo horumarinta wax-soo-saarka khayraadka biyaha dalka.

Geesta kale mudanayaasha golaha guurtida JSL, ayaa golaha ka dalbaday in la soo gola joojiyo wasiirka wasaaradda khayraadka biyaha si xaalada biyuhu halka ay marayso uu mudanayaasha warbixin uga siiyo.

Xildhibaanada golaha guurtida Somaliland ayaa ka codsaday wakaalada biyaha ee magaalada Hargeysa in dardargelin ku sameyso mashruuca biya balaadhinta caasimada, isla markaana iska xil saarto sidii biyaha khasaaraya ee dhuumaha gaboobay ay siidaynayaan ay wax uga qabanlahayd qorshena uga yeelanlahayd, waxaanay mudanayaashu wakaalada fareen in ay ka hawlgasho sidii bulshada ku nool caasimada iyo hareeraheedu biyo ku filan u helilahaayeen.

Gaba-gabadii waxa ay mudanayaashu sheegeen in ay mihiim tahay in bulshada lagu baraarujiyo qabashad biyaha roobka xilliga Gu’ga.