Gobolka Hawd Oo Soo Dhoweyn Iyo Sagootin Loogu Sameeyey Ardaydii Kaalmaha Sare Ka Gashay Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Iyo Arday Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Edna Aadan

Baligubadle – (warsoor) – Waxa maanta magaaladda Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd lagu qabtay munaasibad lagu sabootiyaayey dufcadii 12-naad ee ka qalin jebisa dugsiga sare ee Faarax Nuur ee magaaladda Baligubadle.

Sidoo kalena waxa munaasibadan lagu soo dhoweeyey 31 arday oo ka qalin jebiyey Jaamacadda Edna Aadan ee magaaladda Hargeysa, waxaana munaasibadan kasoo qayb galay masuuliyiin uu hogaaminaayey Badhasaabka gobolka Hawd ,Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland, Xoghayaha Gobolka Hawd ,Maayirka degmada Baligubadle, siyaasiyiin, aqoonyahano, dhalinyaro  , waalidiin iyo marti sharaf kale.

Waxa ugu horeyn madashaas hadalo ka jeediyey  xubno ay kamid ahaayeen maamulaha dugsiga Faarax Nuur ee degmada Baligubadle  Sheekh Khaalid Haaruun, Guddoomiyaha Waxbarashada ee gobolka Hawd Maxamed Cabdi Muxumed (Shiine) iyo isu duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee gobolka Hawd Axmed Cali Durayse, waxaanay masuuliyiintani sii sabootiyeen ardaydasi kaalmaha sare ka gashay imtixanadkii shahaadiga ahaa ee Somaliland, iyaga oo sidoo kalena soo dhoweeyey ardayda ka qalin jebisay jaamacadda Edna Aadan , waxaanay usoo jeediyeen ardayda dugsiyada sare ka baxday in ay iyaguna waxay barteen sidaas oo kale ugu soo celiyaan gobolka.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka hadlay siyaasiyiin kala duwan oo munaasibadda ka qayb ahaa, aqoonyahano ,dhalinyarro , culimo awdiin , waalidiin iyo qaar kamid ah ardaydii munaasibadan loo qabtay , waxaanay masuuliyiinta halkaas ka hadlay u hambalyeeyeen ardayda kaalmaha sare ka galay imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Somaliland, waxaanay soo dhoweeyeen ardayda ka  qalin jebisay jaamacadda Edna Aadan ee magaaladda Hargeysa.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin ay kamid ahaayeen Maayirka degmada Baligubadle Cabdi Iiman Jaamac,Xoghayaha gobolka Hawd Maxamed Faarax Sugaal iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Cabdikariim Xaaji Cali iyo Badhasaabka gobolka Hawd Eng Axmed Cige Yare, waxaanay dhammaantood masuuliyiintani u hambalyeeyeen ardayda guulaha kasoo hoysay imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee Dugsiyadda sare ee Somaliland, waxaanay soo dhoweeyeen ardayda ka qalin jebisay Jaamacadda Edna Aadan, waxaanay tilmaameen in ardaydan la geliyey tacab badan , loona baahan yahay in ay soo celiyaan tacabkaasi la geliyey.