Garsoore diiday siyaasadda socdaalka ee Madaxweyne Biden

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Garsoore Federaal ah oo ku sugan magaalada San Francisco ayaa diidey siyaasadda socdaalka ee madaxweyne Joe Biden Talaadadii, isaga oo ku tilmaamay sharcigiisa xaddidayao cidda magangelyo ka codsan karta xadka koonfureed mid aan sax ahayn oo aan habraac ahaanna loo marin.

Garsoorahan ayaa sheegey in diidmada ay dhaqan galeyso 14 cisho gudaheed, balse Qareenada u doodaya waaxda cadaaladda ayaa isla markiiba ka jawaabay oo soo saaray ogaysiis ay racfaan kaga qaadanayaan go’aankan maxkamad sare, waxaana loo badinayaa in dacwadu ay gaarto ilaa maxkamada sare.