Garoonka Muqdisho oo lagu qabtay lacag sharci darro dalka ku soo gashay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ciidanka Booliiska ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo maanta gacanta ku dhigay lacag aan la shaacin cadadkeeda taa oo sharci darro ku soo gashay dalka.

Lacagtan ayaa la socotay diyaarad ka timid dalka Kenya sida ay xaqiijiyeen Booliiska Garoonka.

Wali ma cadda sababta iyo halka ay ku socotay lacagtan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Xijaar ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadaan, wixii faafaahin ahna ay gadaal ka soo sheegi doonaan.