Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI oo Xusey Sanad-guuradii Labaad ee Ka Soo Wareegtay Wakhtigii La Aas Aasay Garabkooda+SAWIRO

Garabka Dhallinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI oo Xusey Sanad-guuradii Labaad ee Ka Soo Wareegtay Wakhtigii La Aas Aasay Garabkooda.

Hargeysa(warsooor):-Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay oo garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbiga WADDANI ay ugu dabbaal-degayeen sannad-guuraddoodii labaad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas aasay, ayaa maanta ka qabsoontay hoolka shirarka Xisbiga WADDANI ee Maroodi-jeex oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen guddoomiyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi, hoggaanada garabkaasi, guddoomiye ku xigeenka shanaad ee Xisbiga WADDANi, xoghaye ku xigeenka guud ee Xisbigaasi, Madaxa Ololaha xisbiga WADDANI, xoghayeyaal iyo weli ba dhallinyar kale oo aad u tira badan, waxaana ay halkaas ugu dabbaal-degayeen sannad-guurada labaad ee ka soo wareegtay wakhtigii la aas aasay garabka dhallinyarta WADDANI.

https://youtu.be/_S1SIk9D4Yk

Guddoomiyaha garabka dhallinyarada WADDANI, xoghayaha iyo hoggaanka maaliyadda garabkaasi oo dhammaantood halkaas ka hadlay, ayaa si aada ugu dheeraaday marxaladahii kala duwanaa ee ay soo mareen ka garab ahaan iyaga oo xusay in mudadii ay jireen ay si weyn uga qeyb-qaateen dar-der-gelinta hawlaha Xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale in ay dhallinyarta Somaliland ka wacyi-geliyaan aafooyinka tahriibka iyo qabyaaladda iyaga oo sida oo kale na xusay in ay si weyn uga qeyb-qaateen qaadhaanaddii kala duwanaa ee looggu tabarucaayey dadka abaarahu saameeyeen oo ay xuseen in ay hu’ la xidho iyo dhaqaale ba kaga qeyb-qaateen.

Dhanka kale na guddoomiye ku xigeenka shanaad ee Xisbiga WADDANI Marwo Milgo, Xoghaye ku xigeenka guud ee Xisbigaasi Jamaal iyo weli ba Xamse Kheyre oo ah madaxa ololaha Xisbiga WADDANi oo iyagu halkaas ka hadlay, ayaa hambalyeeyey sannad guurada dhallinyaradaasi, waxaana ay tilmaameen in dhallinyarta Xisbiga WADDANI ay door muhiim ah ka ciyaareen hawlaha Xisbigaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.