Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Cape-Town – (warsoor) -Koox Burcad ah ayaa Xalay Magaalada Cape-Town ee Dalka Koofur Afrika ku dishay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Ganeey oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool.

Xaafadda isku raranta Cape-town ee kaliija oo ah halka uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidanka Boliiska mana jirto cid loo soo qabtay falkaas.

Burcadda Koofur Afrika ayaa inta badan ugaarsata Dadka ajaaniibta ah ee Ganacsiyada ku leh Dalkooda, iyagoo isugu dara dil iyo dhac.