FIFA oo Morocco, Spain iyo Portugal u magacowday martigelinta Koobka Adduunka ee 2030

ZÜRICH — 

Waddamada Morocco, Spain iyo Portugal ayaa loo magacaabay martigeliyeyaasha Koobka Adduunka ee 2030, halka Uruguay, Argentina iyo Paraguay ay martigelin doonaan ciyaaraha furitaanka, si ay u xusaan sannadguuradii 100-aad ee ciyaaraha adduunka, sida ay sheegtay FIFA Arbacadii.

Dalabka wadajirka ah ee Morocco, Portugal iyo Spain ayaa ahaa musharraxiinta kaliya ee codsaday martigelinta tartanka.

FIFA ayaa lagu waday inay ku dhawaaqdo martigeliyayaasha sanadka soo socda.

Koobkii adduunka ee ugu horeeyay ee daah furka ee 1930-kii ayaa lagu qabtay Uruguay, waxaana ku guuleystay iska Uruguay.

Go’aanka Arbacada ee FIFA ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee Koobka Adduunka lagu qabto saddex qaaradood iyo lix waddan, taasoo la micno ah in kulammada group-yada la qabto xilliyo kala duwan.

“Golaha FIFA waxay si wadajir ah isku raaceen in magacaabista kaliya ay noqon doonto dalabka wadajirka ah ee Morocco, Portugal iyo Spain, kuwaas oo martigelin doona Koobka Adduunka 2030 oo si toos ah uga soo bixi doona qoondaynta hadda,” FIFA ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

Koobka Adduunka 2022 ayaa lagu qabtay dalka Qatar, waxaana ku guuleystay waddanka Argentina.

Xiriirka Kubadda Cagta Argentina (AFA) ayaa sheegay in kooxdoodu ay “kulanka ugu horreeya ee heerka guruubyada 2030 ku ciyaari doonaan dadkooda”.