Faysal: Midnimo Soomaaliyeed waxay ku xidhan tahay Jabuuti iyo Jigjiga

Hargeysa – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in midnimo Somaliland iyo Soomaaliya dhexmartaa ay ku xidhan tahay, haddii buu yiri ay hormuud ka noqdaan midnimadaasi Jabuuti iyo Jigjiga. Waxa uu sheegay in taasi ay horseedeyso in la helo shantii Soomaaliyeed.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waraysi uu siiyey wariyaha laanta afka Soomaaliga VOA ee magaalada Hargeysa Khadar Maxamed Cakule ayaa ka waramay in Somaliland ay diyaar u tahay midnimo haddii Jabuuti iyo Jigjigi ay hormuud ka noqonayaa midnimo Soomaaliyeed.