Faa’iidooyinka ay Shaqada Kalluumaysigu u Leedahay Caafimaadka Dadka ku Hawlan

Waxa dad jecel inay sameeyaan dhaqdhaqaaq jidh ahaaneed, sida inay ordaan tartanka orodada ama kubad ciyaaraan, laakiin waxa jira iyaguna dad kale oo  kuwaa caksigooda ah. kuwaasoo ka hela ama jecel inay inay wax dubaan ama cuntokariyaan, ciyaaraha gaymamka ciyaaraan ama kalluumaystaan. Kalluumaysigu waa shaqo aad loogu raaxaysto iyo balwad. Kalluumaysigu xaqiiqdii waa shaqo isugu jirta caafimaad jidh ahaaneed iyo mid maskaxeedba.

Waa maxay faa’iidada caafimaad ee kalluumaysigu?

Keliya faa’iidada kalluumaysigu maaha mid jidh ahaaneed oo uu jidhku u baahan yahay ama maskaxdu u baahan tahay. Kalluumaysigu waxa kale oo uu leeyahay faa’iido jimicsi oo ay murqaha jidhku u baahan yihiin, faa’iido caafimaad oo wadnaha ah iyo dhuunta, kuwaasoo dhamaantood ka hela jimicsi aanay ka maarmin.  Kalluumaysigu wuxuu dadka ka caawiyaa inay sameeyaan dhaqdhaqaaq, dabbasho iyo jiid-jiidid. Dhaqdhaqaaqyadaas oo dhamaantood u wanaagsan hab-dhiska wareegga dhiigga. Taas macnaheedu waxa weeye jidhka hoose ee qofku wuxuu helayaa jimicsi ku filan, marka laga yimaado jidhkaaga inta sare ee hawsha qabanaysa.

Faa’iidooyinka kalluumaysiga waxa ka mid ah inuu u wanaagsan yahay caafimaadka dhuunta iyo dubka jidhka. Kalluumaysigu dabcan waa shaqo laga qabto meel banana, taasina waxay faa’iido u tahay caafimaadka dhuunta iyo maqaarka jidhka oo helaya hawo nadiif ah oo ku filan. Hawada nadiifta ahi inta badan waxay u wanaagsan tahay caafimaadka jidhka bani’aadamka, maxaa yeelay hawada neefta ah ee qofku qaadanayaa way ka khafiifsan tahay, kana nadiifsan tahay. Qaadashada hawo nadiif ahi waa mid aad ugu wanaagsan sidoo kale maskaxda. Falaadhaha cadceedda ayaa caadiyan caafimaadka maqaarka lagama maarmaan u ah.