Faaidooyinka Waa Weyn Ee Midhaha Sabiibka Iyo Cudurada Ay La Dagaallamaan

Barnaamijka Caafimaadka oo aad todobaadkiiba hal maalin kala socotaan wargeyska Dawan, maanta Qormadeena Koowaad wax aynu ku soo qaadanaynaa midhaha Sabiibka iyo faa,iidooyinka ay jidhka u leeyihiin, sidoo kale wax aynu wax ka tilmaami doonaan midhaha Sabiibka iyo cudurada ay jidhka bani’aadamka ka difaacaan.

Haddii aynu warbixin kooban ka bixino midhah Sabiibka, Sabiibku waa midhaha geedka canabka oo la qallajiyay iyadoo qorax loo dhigay ama lagu qalljiyay mashiinnada wax lagu qallajiyo. Sabiibka waxaa badanaa lagu macaaneeyaa cunnada mana lahan sonkor dheeraad ah oo lagu daray.

Sabiibku waa midho nafaqo badan oo xambaarsan faaidooyin aan la soo koobi karin, waxaa lagaa helaa barootiin, faybar, fitamiin C, fitamiin E, fitamiin K, fitamiin B2, fitamiin B3, fitamiin B6, folate, calcium, iron, magnesium, phosphorus iyo potassium.

faa’idooyinka caafimaad ee miraha sabiibka:

Sare u qaadista caafimaadka wadnaha:

Sabiibku waa il aad u wanaagsan oo laga helo antioxidants iyo “phytonutrients” kuwaas oo ka hortaga cudurrada raaga sida wadne xanuunka iyo dhan-qalalka (stroke). Daraasad lagu sameeyay wadanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in sabiibka oo la cuno maalin kasta ay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga. Faybarka ku jira sabiibka wuxuu yareeyaa kolestaroolka xun (LDL.

Ka Hortagga Kansarka:

Walxaha sun saarista ee ku badan sabiibka waxay la dagaallamaan waxa loo yaqaanno “free radicals” ee sababa koriimada unugyada kansarka.

Ka Hortagga cudurka macaanka:

Sabiibku wuxuu aad ugu roon yahay dadka qaba cudurka sonkorowga nooca 2-aad. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in cunista sabiibku ay 23% yareyso heerka gulukoosta cunnada kadib.

Caafimaadka caloosha:

Sabiibka waxaa laga helaa faybar, kaas oo caloosha jilciya islamarkaana daaweeya calool istaagga. Sabiibka oo maalin kasta la cunaa waxay jilcisaa saxarada waxayna caawisaa cunno shiidista.

Sabiibka waxaa ku jira barootiinka “tartaric acid” oo ah lidka hurka kaas oo wanaajiya shaqada mindhicirrada islamarkaana nidaamiya dheelitirka bakteeriyada caloosha. Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in sabiibku uu hoos u dhigo halista kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn (colorectal cancer).

Ka hortagga dhiig yarida:

Sabiibka waxaa ku jira maadada xadiidka (iron) oo ka hortagta dhiig yarida iyo fitamiin B oo muhiim u ah samaysanka unugyada cascas ee dhiigga.

Suuska ilkaha:

Daraasad lagu daabacay Joornaalka Nafaqada ayaa lagu ogaaday in walxaha “phytochemicals” eek u jira sabiibku ay caawiyaan caafimaad qabka ilkaha iyo cirridka iyagoo la dagaallama bakteeriyada afka islamarkaana ka hortagga suuska ilkaha gala.

Lafo-beelka:

Sabiibka waxaa laga helaa xaddi fiican oo kalsiyaam ah taas oo aasaasi u ah caafimaadka lafaha iyo ilkaha. Dumarka gaaray howlgabnimada dhalmada kadib (Postmenopuase) waxaa lagula dardaarmaa inay joogteeyaan cunista miraha sabiibka si looga hortago Lafa beelka (osteoporosis).

Caafimaadka indhaha:

Sabiibka waxaa ku jira “polyphenols” oo nooc maadooyinka sunsaarista ka mid ah taas oo ka hortagga dhaawaca xididada xorta ahi (free radicals) ay gaarsiiyaan indhaha. Tani waxay yareysaa khatarta cilladaha aragga lumiya sida caadka indhaha fuulo iyo xanuunka loo yaqaanno “Macular Degeneration” oo ah cillad timaadaa qofka markuu duqoobo.

Gaaska:

Haddii aashitada caloosha soo deyso ay ku badato jirka waxay keentaa xanuuno ay ka mid yihiin gaastirik iyo laab-jeexa. Sabiibka waxaa laga helaa xaddi fiican oo ah xadiid, copper, potassium, iyo magnesium kuwaas oo caawiya isku dheellitiridda heerka aashitada caloosha. Cunista sabiibku waxay hoos u dhiigtaa laab jeexa iyo gaaska.

Caafimaadka maqaarka:

Maadooyinka kala duwan ee sunsaarista iyo nafaqada muhiimka ah ee ku jira miraha sabiibka sida macdanta zinc iyo fitamiin C waxay daahiyaan gabowga maqaarka. Sabiibka waxaa ku jirta maado loo yaqaanno “resveratrol” taas oo ilaalisa caafimaadka maqaarka. Cunista sabiibku waxay maqaarka ka ilaalisa dhaawaca qorraxdu ay gaarsiiso.