Eritrea oo dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD 16 sano kadib

Erateriya – (warsoor) – Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea.

Dhinaca kale madaxweynaha Eritrea ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu mar kale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD ee uu muddada 10-ka sano ka badan ka maqnaa.