EG-DAG:- Ciidamada Booliska oo Jeelasha Ku Guray Saraakiil iyo Taageerayaal Ka Tirsan WADDANI

Berbera – (warsoor) – Ciidamada Booliska ee goballadaTogdheer iyo Saaxil, ayaa xalay illaa saaka xabsiga u taxaabay saraakiil sare sare iyo weli ba taageerayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyada oo sida oo kale na albaabadii loo laabay xafiisyaddii xisbigu uu ku lahaa magaalooyinka Dacar-budhuq, Huduse iyo Sheekh.

Saraakiishan la xidh-xidhay oo kala ahaa guddoomiyahii iyo xoghayahii degmada Dacar-budhuq ee xisbiga WADDANI iyo weli ba sida oo kale taageerayaal iyo xubno ka tirsan xisbiga oo kala ahaa Axmed Xasan Maxamuud Halac, Cawli Cabdillaahi Maxamed, Khadar Mire Yuusuf, Cabdi Xasan Qoorcadde iyo Kiiloo Xasan Qoorcadde, ayaa dhammaantood ba xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay ganafka ku dhufteen codsi uga yimi badhasaabka gobalka Togdheer iyo Maayirka Berbera oo ahaa in ay  iska soo casilaan xisbiga WADDANI sida oo kale na ay taageeraan misna ka qeyb-qaataan soo dhaweyn guddoomiyaha KULMIYE looggu sameynaayey deegaanaddaasi oo ay u gogal xaadhayaan labada mas’uul.

Saraakiishan, ayaa hada u xidhan taageerada iyo ka mid ahaanshiyaha ay ka tirsan yihiin xisbiga WADDANI iyada oo sida oo kale na gebi ahaan la la wareegay xafiiskii xisbigu uu ku lahaa degmada Dacar-budhuq oo hada la mariyey midabka calanka xisbiga KULMIYE halka guddoomiyahii xafiiskaasi iyo xoghayahiisii degmadu na ay ku xidhan yihiin magaaada Berbera.

Wararka kale ee na soo gaadhaya, ayaa iyagu na sheegaya in ay xidh xidhan yihiin sida oo kale na ay dhaawacyo qabaan tiro intaa ka badan oo taageero u haysay Xisbiga WADDANI ku waasi oo maamulka gobalka Saaxil uu awood u adeegsaday si aanay u muujinin taageeraddooda Xisbinimo iyada sida dadka deegaankaas na lagu qasbaayey in taageeraan Xisbiga KULMIYE balse waxa xusid mudan in rabitaanka shacabku uu ka awood badan yahay xadhig, cago-jugleyn iyo tacadiyo lagu kala kaco taageerayaal isbedel doon ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.