Duqa Muqdisho oo sheegay in baadhis lagu sameynayo dhulalka Dowladda ee la bixiyey

Muqdisho – (warsoor) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa sheegay in khubaro iyo guddi baaris loo xil saarayo dhulalka Dowladda ee sida sharci darada loo bixiyey ka dib markii ay cabashooyin ka yimaadeen.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Iyadoo la tixraacayo amarkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) taariikhdu markey ahey 19kii Janaayo 2018 ee uu ku yiri Dhulka Dowladda inaan la hibeyn karin, lana bixin karin, lana wareejin karin.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa qoraalkaas 19ka Janaayo 2018 ku sheegay inuu ka walaacsanyahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee caasimada Muqdisho. Sidoo kale qoraalkii Madaxweynaha ee 19kii Janaayo 2018 ayaa farayey dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

Ugu dambeyntii Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in guddigan iyo khubarada loo xilsaari doono inay baaraan dhammaan dhulalka Dowladda ee la bixiyey si ay warbixin dhameystiran uga soo gudbiyaan oo lala wadaagi doono shacabka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.