Duqa Muqdisho oo ka war bixiyey khasaaraha qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo gaaray isgoyska Ex-Koontarool Afgooye oo saakay uu ka dhacay qarax is-miidaamin ah ayaa warbaahinta faah-faahin hor dhac ah ka siiyey khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

 Cumar Filish ayaa sheegay in qaraxaasi uu geystay khasaare aad u badan, isla markaana aan wali la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas, isagoo si hor dhac ah u sheegay in dhaawacu uu kor u dhaafayo 90 qof.

Guddoomiyaha oo ay garab taagnaayeen Taliyaha booliska iyo ku xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda ayaa sheegay in qaraxaas oo ahaa is-miidaamin loo adeegsaday gaari xamuul ah, isagoo xusay in halkaas uu ka dhashay khasaare aad u badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka wax yeeladda ugu badan ay ka soo gaartay qaraxaas ayuu sheegay inay ahaayeen shacab u badnaa arday la socotay Bus ay laheyd Jaamacadda Banaadir, sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jira ajaanib la sheegay inay u dhasheen dalka Turkiga iyo askar ilaalo u aheyd, kuwaas oo la sheegay inuu ahaa bartilmaameedka qaraxaas.

Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in ismiidaamiyaha uu damacsanaa inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, balse ay ka hortageen ciidamada ammaanka.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.