Dulucda Go’aanadii Shirkii Laga Dhawaaqay Gooni Isku-taaga Qaranimada Somaliland. W/Q: Miyir Cali Xuseen

Qormadeenan maanta, waxa aynu ku soo gudbin doonaa,  go’aanadii shirkii aayo ka tashiga iyo walaalaynta ummadda reer Somaliland ee Burco, ee ay iskugu tageen, dhamaan, Madax dhaqameedka , Waxgaradka, Ganacsatada , Siyaasinta Somaliland iyo Xubnihii iyo hogaankii ururkii SNM, may 1991.  Shirkan Burco  oo ahaa kii lagu go’aamiyey qaraarkii lagu bayaamiyey,  in Somaliland ka noqotey midowgii labadii dal ee Waqooyiga ( Somaliland) iyo Koonfurta Soomaaliya, ee ay ku midoobeen 1 July 196O. Isla markaasina lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland.

Inta badan, marka laga hadlaayo ama wax laga qoraayo, qodobada go’aankii, gooni isku taaga Somaliland,  ayaa waxa badiyaa,  dhacda in loo soo bandhigo si kooban oo guud mara, oo  kaliya  nuxurkooda guud xambaarsan .  Hadaba,  qormadan ayaa waxa aynu si faah-faahsan ugu dul istaagi-doona, qodobadii lixda ahaa ee saldhiga u noqday, gooni isku taaga, qaranimada ummadda reer Somaliland, ee kasoo baxay shirkaasi, aniga oo si dhamays tiran, qalinka ula dul istaagi doona dhamaan khudbadii uu akhriyey, Xoghayihii ama Afhayeenkii  shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland,  Xaaji Aadan Axmed Diiriye, markii uu ku dhawaaqaayey, ee uu shirweynaha, kasoo jeedinaayey.

Furitaankii shirkan, oo uu shir-guudoominaayey, Gudoomiye Kuxigeenkii ururkii SNM, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac isla markaasina ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland, ayaa isaga oo hadalka kusoo dhawaynaaya, Xoghayihii ama Afhayeenkii  shirkan aayo ka-tashiga ummadda Somaliland,  Xaaji Aadan Axmed Diiriye, ayaa waxa uu yidhi . “ Bismilaahi Raxmaani Raxiim, shirka u galimayno imika sidii shirarkii hore,  aynu u gali jirnay, waxaan u gud-bayaa,  Gudidii  odayaasha ahayd ee aynu u saarnay, inay ka doodaan go’aanada shirka, oo ay isla, afgartaan, ka wadda tashadaan , falanqeeyaan, waxoogaana haasaawaan.  Dabadeetana  ay inoo fududeeyaan, oo ay inoo keenan wixii ay isla meel dhigeen.  Odayaasha markaynu leenahay,  musheekhdu way ku jirtaa,  Odayaashu aad iyo aad bay u mahadsan yihiin.  Qoddobaddii ay inoo soo diyaar gareeyeen, waxaa halkan ka akhriyi doona, Mujaahid Aadan Axmed Diiriye, oo kamida ragii, halganka, gaar ahaan xaga abaabulka aad iyo aadka uga shaqeeyey, ku soo dhawow Aadan.”

Intaa kadib Xaaji Aadan Axmed Diiriye, oo hadalka qaatay ayaa waxa uu yidhi. “ Bismmilaahi raxmaani raxiim, marka hore dadka sharafta leh , waxa aan usoo gudbinayaa, salaanta islaamku isku salaamo, Asalaama calaykum warax-matulaahi wabarakaatu. Marka labaad, sidaa uu sheegay, Gudoomiyaha shirku, shalayto waxay ahayd maalintii fursada laysku siiyey, inay isa-soo arkaan, oo arinta si ay usoo jilciyaan una soo sheekaystaan, Ergooyinka ka kala yimid beelaha waqooyi degen ee walaalaha ah. 

Markaa kulankaa, oo ka dhacay magaaladan burco. oo ay iskugu yimaadeen Salaadiinta, Culimo Aw-diinka, iyo odayaasha waxgaradka ahi.  waxa lagaga dooday oo si dheer loogu lafo guray, qodobadi, hor-yimid shirkan ee muhiimka, ahaa ee loo baahnaa. Qodobadaas  oo si weyn looga dooday, wixii kasoo baxayna, halkan baan idiinka sheegi doona.  Anigoo ku dadaalaya in aanan idinku dheeraynin hadalka, oo ka tix-galinaaya, bacadka la-fadhiyo,  waxaan kusoo koobayaa,in aan qodobada uun soo qaato.

1. Qodobka koobaad, qodobada la soo qaaday, qodobka koobaad wuxuu ahaa, in woqooyi gaar isku taago  iyo in koonfur la-raaco baa laga hadlaayey,  oo ajandaha qodobka koowaad ahaa, qodobkaa muddo dheerbaa laga dooday aad baana loo lafa-guray, Waxa laga xisaabtamay, oo dib loo mililicay, 31-kii sano ee aynu dawlada ahayn, wixii faa’iido ahaa ee aynu ka helnay, haddii aynu waqooyiga nahay iyo wixii khasaare ina soo gaadhay-baa si dhaba looga xisaabtamay.  Muu ahayn shir caadifadeed, oo si shaqsi ah arimaha loo qaadanayo ama la-iskaga dul cararaayo, mana ahayn shir afduuba oo wax la kala maroor-sanaayo, wuxuu ahaa shir si dimuqraadiyada, oo cid waliba iyada oo xora codkeeda iyo fikraday qabto kasoo jeedinayso, ayuu ahaa. Arintaa markii si dheer looga xisaabtamay waxay noqotay, in 31kii sano waxa faa’iido ah oo la taaban karo, saddex qodob ayaa laga helay, oo iyaga laftoodu ku yimid, dhibaato iyo tacab, hawl badana loo soo maray oo dadka inta xog-ogaalka ahi ogtahay. Waxaana weeyi dekeda Berbera, warshadda sibidhka ee Iyana barbera ka samaysan iyo waddooyinka laamayda ah.  Wax kale oo waqooyi laga sameeyey waa la waayey, kuwaasina sida ay ku yimaadeen waa la-wada og yahay.

Waxaynu og-nahay warshadda sibidhku inay mararka qaarkood gaadhay in koonfur laga sameeyo dhagaxana laga gurro halkay immika ka samaysan tahay, illaa xadkaa inay gaadhay-baa la ogyahay oo dadka xog-ogaalkii og-yahay. wax faa’iido, ahna intaasa laga soo qaaday. Waxa dhinaca kale ku qormay oo iyana timi, in khasaaraha aynu hada og-nahay, ee uu u weyn yahay, burburka iyo baa’ba haysta ee ka muuqda magaalooyinkeenii, ee naf iyo maalba, baaba’ay ee loo baaba’ay, inay ka yimaadeen is-raacii ay israaceen Koonfur iyo Waqooyi ayaa halkaa kasoo baxay, markaa waxay noqotay marka labadii la isku miisaamay in miisaankii u badan yahay, dhinaca khasaaraha, sida awgeed waxa la isku raacay, oo shirkii isku raacay, bal aragnay is-raacii wuxuu inoo dhalaye, inuu waqooyi gaar isku taago, oo aanu koonfur raacin, oo aynu teena kala barkhad baxno, oo teena tijaabino, oo waqooyi gaar isku taago ayaa la isku raacay, qodobkaa koobaad.

2. Qodobka labaad wuxuu ahaa in lagu dhaqmo shareecada islaamka, qoddobkaa isaga ah ruuntii dood badan mayeelan, markii la eegay shuruucda kale, magic kastaba haloo bixiyee bili aadmku sameyo, ee aynu kusoo dhaqmi jirnay. Markii la eegay dhaqan xumadda, iyo dhaqanka ka lumay dadkii, mudadii dheeraa ee uu xukumayey daaquudki dalka laga xoreeyey, uu inagu abuuray,  ee aynu gaadhnay heer xaaranta iyo  xalaasha aynaan kala garanyn, ee xarantiiba la xalaashaday, markii aynu eegnay, dadkeena oo aqlabiyadiisu imika tahayba, ama xoogiisu yahay, dadkii dhashay mudadaa ama ku caqliyeystayba . waxa laysla arkay, inaan wax kaloo inasoo dabaali karaaba jirin. Waxa kaloo lays waydiiyey wixii aynu ka dagaalanay muxuu ahaa? waxay noqotay oo  saldhig u noqotay cadaalad darro. Halkaa waxa kasoo baxay baahideena koobaad inay tahay cadaalad darro. cadaaladu halkay ku jirtaaba markaa lays waydiiyey? caddaaladu waxay noqotay diinta islaamka. waxa ina wadda dhibtay oo aynu ogsoo-nahay bahal la yidhaa qabyaalad, oo eex iyo imtixaan dabada kuwadata, taana waxa laysla gartay, waxa aynu kaga bixi karnaa inay tahay inagoo ku dhaqana shareecada Islaamka, ee Ilaahay inoogu talo-galay Kownkan markuu ina dhigay isagu, ee uu inagu abuuray, inaynu ku dhaqano, masaalaxeena oo cid ka taqaanaa Ilaahay jirin, oo uu ugu talo galay inaynu taas qaadano ayaa iyadana laysla gartay.

Halkaa waxa soo galaaya, qodob kii hore la xidhiidha, oo waxaynu nidhaahnaa hadaynu gaar isku taagno layna ictiraafi maayo, oo ictiraafka cida laga doonayaa waa Binu Aadam, xagee dabadeetana ictiraafka laga helayaabaa la yidhi markaa. Anagu waxaanu isla garanay oo aanu mudnaanta siinay, cidaynu raali-galinaynaa inay noqoto Ilaahay, Ilaahaybaa quluubta Binu Aadamka xukuma, isaga ayaa cid walba inoo soo khasbi-doona oo inoo fudaydin doona, hadii aynu dariiqiisa raacno oo ku toosnaano, waxaanu ku kalsoon nahay in aynaan wax dhibaato ah la kulmaynin, markaa aan sidaa aamino, aan ku kalsoonaano, aynu u wada diyaar-garowno inaynu fulino, hubaalna waxa ah hadii aynu sidaa ku toosnaano oo cagta saarno, wadadaa ilaahay, in aan wax socdaa oo inaga hor imanayaa jirin, markaa nin walowba dhinacaaga ugu diyaar garaw.

3. Qodobka saddexad na wuxuu ahaa in la sugo nabad-galyadda waqooyi, taas waxa weeyi oon muran ku jirin inay baahidda koobaad-ba ay tahay. oo haddii aan nabadgalyo jirin waxyaabaha aynu kasoo haddalnay aanay waxba kajirin, horumar jirimaayo, dawlad jiri-mayso, walaalnimada aynu kuwada fadhinaana jirimayso.  Sidaa awgeed, iyadana si wada jirra ayaa lays-kula  gartay oo lays kugu waafaqay in nabadgalyada waqooyi laga shaqeeyo, Allana lala kaashaddo, ilaahay haynala qabtee.

4. Qodobka afraad wuxu ahaa in si dhakhso ah loo dhiso dawlad waqooyi, oo loogu dhawaaqo, taas iyadana waxa keenay, waxa aynu imika kusoo jirnay mudo, sadex bilood iyo dheeraad ah oo aynu xor ahayn oo aynu dalka joognay, dawlad la’aantu dhibaatada ay lee-dahay waynu soo aragnay oo waynu soo wada taabanay, markaa baahida jirta awgeed, ayaa qodobkaasna meesha loo keenay, iyadana waxa la codsanayaa oo xubnaha ururka laga codsanayaa in si dhakhso ah loogu dhawaaqo, dawlad waqooyi, kaasina qodobka afraad weeye.

5. Qodobka shanaad, waxa weeye in golayaasha ururka iyo dawladaba loogu qaybiyo beelaha waqooyi degan, sidaana diintaa ina faraysa, waxa ina faraysa shareecada islaamka ee aynu qaadanay, walaaltinimadeenaa ina faraysa, wada dhaqankeenaa ina faraaya. Ma wada dhaqnaanayno oo walaalo ahaan mayno, hadaynaan cadaalad ku wada dhaqmin oo aynaan wax ku qaybsan, waxkasta oo aynu qaybsanayno iyo waxkasta oo ina dhex yimaadaa waa inuu cadaalad ku dhisnaadaa weeye, qodobkaasina sidaasuu ku dhanyey.

6. Qodobka lixaad, waxa weeye, waa mid isaga laftiisu nabadgalyada ka hadlaaya, laakiin si gaara u taabanaaya gobol, iyadoo nabadgalayadii guud ahaan laga soo hadlay oo la go’aan saday, ayaa hadana waxa si gaara loo taabtay, in gobolka Sanaag, nabadgalyadiisa si gaar ah wax looga qabto, oo loo saaro gudi gaar ah, taa waxa keenay, waxa laga waramay, ama cabashooyin badan laga soo jeediyey in gobolka Sanaag ay wali ka jiraan dhibaatooyin, nabadgalyo la’aani, oo ay kaga duwan yihiin, gobolada kale ee dalkeenan waqooyi ka kooban yahay, oo ilaa hada dhibaatadii colaadu ay ka socoto ayaa laga waramay, sidaa awgeed waxa uu shirku markaa isla gartay, in xil gaara halkaa la iska saaro, oo gudi loo saaro, maanta oo aynu halkan iskugu wada nimi oo waqooyi dhan yahay, aynu arinteeda si fiican wax uga qabano oo ka baaraan dagno, oo aynu dadkaa walaaha ah ee isku noolka ah ee meesha wada degan, aynu iyagana nabadgalyada ay inteena kale wada dhadhamisay aynu iyagana qaybtooda ka siino, oo walaalayno, xaqiiqaduna waxa weeye soomaalidu xigtay sheegtaa, xigtadu waxa weeye, inta isku danta ah ee meel wada taala, xigtada xaqiiqada ahi taas weeye, tan aynu sheegano maaha, ee nin mashir yaala iyo nin maqrib yaala oo la leeyahay odaybaa wada dhalay, xigto iskugu sheegtaan maaha, maxay isku yihiin labadaasi, danba ma wadaagaane, xigtada dhabta ahi, waxa weeye kuwa nolosha wadaagaya ee meel wada degan, kuwaas baa loo baahan yahay, inay wax wada qabsadaan, kuwaas baa loo baahan yahay inay walaalnimadooda gartaan, in sidaa loo fahmo baa loo baahan yahay, hada iyo wixii ka danbeeyana, aynu ku dhaqano, waxaynu rajaynaynaa wax wada qabsigeena iyo wax qaybsigeenuba inay noqdaan, iyo isku xidhnaanteenuba, sidaa aynu u kala degan nahay ee aynu u kala degan nahay inay noqdaan, oo in aynu taas fahano ayaa fiican. Markaa waxa anigu shirka qaybta aan anigu kulahaa ay ahayd, in aan qodobadii shirka shalayto uu isku raacay, aan halkan kasoo jeediyo oo aan shir-weynaha sharafta leh aan usoo jeediyo, qodobadiina lixdaa qodobay ku dhan yihiin, aad baanad u mahadsan tihiin, ilaahay waxaynu ka baryeynaa inuu tawfiiq ina siiyo, barwaaqana ina siiyo, cadaalad  iyo barwaaqo iyo nabadgalyo degdegana ina siiyo, guushana inoo taam yeelo, Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.” Ayuu kusoo gunaaday Hadalka Xaaji Aadan Axmed Diiriye. 

Xubnihii saxeexay go’aanka gooni-isu-taagga qaranimada Somaliland,  ayaa waxa ay ka koobnaayeen, 17 xubnood oo guurti ah, iyo Xoghayihii Shirka aaya ka tashiga ummadda reer Somaliland oo ahaa, Xaaji Aadan Axmed Diiriye. 

17-kan xubnood ee saxeexay go’aanka ayaa waxa ay kala ahaayeen:-

1. Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Guddoomiye

2. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax

3. Suldaan Cabdi Sheekh Maxamed

4. Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir

5. Suldaan Yuusuf Suldaan Xirsi

6. Suldaan Saxardiid Suldaan Diiriye

7. Suldaan Ismaaciil Muuse

8. Suldaan Rashiid Suldaan Cali

9. Suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud

10. Axmed Sheekh Saalax

11. Sheekh Daahir Xaaji Xasan

12. Axmed Xirsi Cawl

13. Suldaan Maxamed Jaamac

14. Xasan Cumar Samatar

15. Maxamed Warsame Shiil

16. Garaad C/Qani Garaad Jaamac 

17. Suldaan Cali Muuse iyo Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan Baradho) oo ahaa xoghayaha shirkaasi

Miyir Cali Xuseen

miyircali@gmail.com

Hargeysa/Somaliland