Dr. Cali Khaliif Galayr oo geeriyooday

JIGJIGA – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaarihii dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa maanta ku geeriyooday magaaalda Jigjiga ee dalka Ethiopia.

Geerida Cali Khaliif Gallaydh waxaa idaacadda VOA u xaqiijiyey Caddaani Hormooge oo ka tirsan ururka ONLF kuna sugan magaalada jigjiga.

Cali Khaliif Gallaydh oo dhowaan tagay magaalada Jigjiga ayaa la sheegay inuu xanuunsaday Jimcihii lasoo dhaafay kadib markii uu xanuun kusoo booday.

Waxaa socota qabanqaabada aaskiisa, iyadoo sidoo kale ehellada iyo mas’uuliyiinta Soomaalida ay ka wada hadlayaan halkii lagu aasi lahaa.

Cali Khaliif Galayr ayaa ra’iisul wasaare ka ahaa dowladdii ku-meel gaarka ahayd ee madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad, intii u dhaxeysay October 8, 2000 illaa October 28, 2001.

Sannadki 2014-ka waxaa Cali Khaliif Galaydh loo doortay madaxweynahii maamulkii Khaatumo.

Cali Khaliif Galayr waxa uu 15-kii October 1941-kii ku dhashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Galayr ayaa waxbarashadiisa heerka jaamacaeed ku qaatay dalka Mareykanka, isaga oo shahaadada bachelor-ka ee culuumta siyaasadda ka qaatay Jaamacadda Boston University 1965-kii.

Waxa uu sidoo kale shahaadada Master-ka ee maamulka dadweynaha (M.P.A) iyo tan PhD ka qaatay Jaamacadda Syracuse ee gobolka New York.

Cali Khaliif Gallaydh waxaa sidoo kale uu macalin kasoo ahaa Jaamacadda Minnesota ee dalkan Maraykanka.