DP World “halis ayey ku tahay” Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si kulul uga hadlay dhaqdhaqaaqyada ay Soomaaliya ka sameyso shirkadda ka howl-gasha dekedaha ee DP World, oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Cawad oo wareysi siiyay Telefishinka Alaraby ayaa eedeyn dusha uga tuuray mas’uuliyiinta shirkaddaas, isagoo sheegay inay halis galiyeen madax-bannaanida Soomaaliya.

“Shirkada DP World wey na xumeysay waxeyna khatar galisay madax-bannaanideenna iyo midnimada dhulkeena, walina faragalinteeda waa mid socota,” ayuu yidhi Cawad.

Wasiirka ayaa sheegay in boqortooyada Imaaraadka ay ka dhowrayaan inay arrintan wax ka qabato.

“Sida naloo sheegay waa shirkad gaar loo leeyahay waxaana rajeyneynaa in dowlada Imaaraadka ay soo dhex gasho oo ay ka joojiso faragelinta ay nagu heyso, markaasna uu ku soo laabto xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka sidii uu ahaan jiray. Annaga waan sabarnay laakiin sabarkana wuxuu leeyahay xad, sida dal kasta oo adduunka ku yaall waxaan diyaar u nahay in aan difaacno midnimada dhulkeenna iyo madaxbanaanideenna iyo in aan difaacno maslaxada shacabkeenna,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

XIGASHO: BBC SOMALI