Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geerida ku timid Ambasadoor Xamuud Alxuweydi

MUQDISHO – (WARSOOR) – Dowladda FS waxa ay ka tacsiyeenaysaa geerida ku timid Danjirihii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Amb. Xamuud Alxuweydi.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Somalia Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa tacsi u diray ehelada, Qaraabada iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta ee uu danjiruhu ka baxay.

“Dowladda Soomaaliya waxay ay Murugada la qeybsaneysaa ehelka iyo asxaabta uu ka baxay Danjire Xamuud, waxayna Alle SWT uga baryeysaa in uunaxariistii janno ka waraabiyo “.

Danjire Alxuweydi muddadii koobneyd ee uu Jaamacadda Carabta u fadhiyay Soomaaliya waxa uu ka qeyb qaatay howlo badan oo Soomaaliya lagu taageerayay, waxa uuna ahaa diblomaasi xurmo badan oo dalka iyo dadkaoomaaliyeedba la jeclaa horumar iyo barwaaqo.

Amb Xamuud ayaa maanta oo Axad ah u geeriyooday xanuun kadis ah oo ku soo booday.

XIGASHO: SONNA