Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Ciidamadeedu Ka qayb Galeen Dalkii Tikreega

MUQDISHO – (WARSOOR) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ay dagaal kaga qayb galeen Itoobiya iyagoo gacan siinaya kuwa eritrea.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abukar Dubbe oo hadda shir jaraa’id Muqdisho ku qabtay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas.

Qaramadda Midoobay warbixin kasoo baxday ayaa dhawaan lagu sheegay in Ciidamo Soomaali ah lagu arkay gobalka Tigrey xiligii dagaalku socday.

Waalidiin sheegay in Carruurtoodu maqan tahay ayaa maanta Muqdisho banaanbax ka dhigay iyaga oo Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in loo soo celiyo carruurtooda oo aysan war ka helin muddo badan.