Dowladda Federaalka oo u jawaabtay Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Muqdisho – (warsoor) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadal u muqday hanjabaad oo ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hadlay saacado un kadib markii uu Magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay aad ula yaabtay hadalkii filan waaga ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkaas filan waaga ahaa ee ka soo yeeray Shariif Sheekh Axmed, hadalkaas oo filan waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkan astaan qaran usoo noqday”, ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wuxuu intaa raaciyay in ay ugu baaqayaan in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa, kana dheeraado waxwalba oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Hogaamiyeyaasha Madasha xisbiyada Qaran oo xalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, kadib markiii ay ka soo laabteen Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay Dowladda Federaalka ku eedeeyen in ay hor istagatay safarkoodi Magalaada Beledweyne.

Wafdiga Madasha xisbiyada Qaran ayaa sheegay in markii ay damceen in ay ka dhoofaan garoonka Muqdisho lagu wargeliyay in aysan bixi karin, inkastoo markii dambe loo oggolaaday in ay baxaan.

Markii ay dhoofeen ayaa waxaa ay shegeen in ay ka degi waayeen garoonka Beldeweyne, oo loo sheegay in garoonka uu dhiiqo yahay, walow markii dambe ay ka dageen.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii ay ka soo laabteen Beledweyne, shirka jaraa’id ka sheegay in garoonka uu ahaa mid angagan oo wax dhiiqa ah uusan lahayn, waxaana uu intaa raaciyay in aysan garaneyn sababta loogu diiday in ay degaan.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ahna hogaamiyaha Madasha xisbiyada Qaran oo shirka jaraa’id kaga hadlay arrintan ayaa aad ugu dheeraaday waxa uu ku tilmaamay “ku takrifalka awoodeed ee dowladda”, waxaana uu intaa raaciyay in uu dulqaadkii ka dhamaaday.

“Magaaladan Mooryaan ayaa heysan jirta soma ahan, waa lala dagaalamay waa la bixiyay. Itoobiyan ayaa soo galay maxaa lagu sameeyay ? waa la bixiyay, Al Shabaab ayaaa qabsaday waa la bixiyay, ma ka xoog badan yihiin dadkan? Kama xoog badna. Walaahi Thuma walaahi …. Walaahi Thuma walaahi …. Walaahi Thuma walaahi …. Hadii aysan joojin waan bixineynaa, oo qofka aan sharci rabin muxuu nagu la joogaa? Moryaannimo, Mooryaanimo ma oggolin wana diidnay. Anaga sharci in la isku xukuma aya rabnaa”, ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif oo muddooyinkii dambe dhaliilsanaa qaabka dowladda ay dalka u maamusho iyo go’aanada ay qaadaneyso ayaa u muuqday qof careysan, waxaana uu dowladda ugu hanjabay in ay qaado tallaabo lamid ah kuwii ay horay u qaaday.

Dhinaca kale waxaa isla shalay arrintan ka hadlay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele, Maxamed Cabdi Waare oo sheegay in aysan jirin cid safar laga hor istaagay, balse caqabadu ay ahayd in garoonka Baledweyne ay biyo fadhiyeen kadib roobab halkaasi ka da’ay.

Waare waxaa kale oo uu sheegay in aanay jirin sabab ay u hor-istaagaan wafdiga Madaxweynayaashii hore, isla markaana aanay jirin warka ah in raadaarka laga dansaday, balse waxaa uu xusay in duuliyaha diyaaradda uu sameeyay qar iska tuurnimo, isla markaana uu dansaday raadaarka, taas na ay keentay in isagii oo aan la hagin uu ka degay garoonka.

Inkastoo Sheekh Shariif markii labaad laga hor istaagay in uu safro ayaa hadana waxaan la ogeyn hanjabaadiisa waxa ay ka dhigan tahay iyo halka ay ku biya shuban doonto.

Khilaafka iyo xiisadda ka dhex aloosan siyaasiyiinta mucaaradka iyo Dowladda Federaalka oo isku khilaafsan arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda Jubaland, doorashada Galmudug, xaaladda dalka iyo hannaanka doorasho ee la filayo in Soomaaliya ka dhacdo sanad kadib aya sidoo kale aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doona.

Xigasho: BBCSOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.