Doorka Soomaaliya ee shirka caafimaadka Qaxootiga IGAD

Jabuuti – (warsoor) – Shirka caafimaadka Urur goboleedka IGAD oo shalay lagu soo gabagabeeyay Dalka Jabuuti, ayaa looga hadlay wax ka qabashada baahiyaha caafimaad ee qaxootiga Soomaaliyeed ee iyo waddamada Gobolka.

Kulankan oo diiradda lagu saarayay xanuunnada Qaaxada iyo HIV/AIDS-ka iyo xaaladaha Caafimaad ee Dadka ku nool xeryaha Qaxootiga Dalalka ku bahoobay Urur goboleedka IGAD, ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka kala socda Waddamada IGAD.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Qaxootiga Qaranka Soomaaliya Maxamed Ammiin C/laahi Cusmaan, oo shirkaasi ka qayb galay ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA u sheegay inay kulankan diiradda ku saareen caafimaadka bulshada ku nool xerayaha Qaxootiga ee Waddamadan.

” Doorkii hore waxaan ka hadlaynay waxbarashada qaxootiga, haddeer waxaa looga hadlayay caafimaadka qaxootiga guud ahaan, gaar ahaan TB-da iyo HIV/AIDS-ka,howshan horay ayay u socotay annaga haddaan kusoo biirnay,waxay ahaan jirtay xeryahaas sidii loogu caawin lahaa dadka ku jira iyo sidii laysku dhaafsan lahaa macluumaadka, ayuu yiri Mr: Ammiin.

Qaar ka mid ah ka qayb galayaashii shirka ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan Dad qaba xanuunadan oo qarsada ama aan Dawooyinka u qaadan sidii la doonayay, kulankana ay ku gudbinayeen farriimo la xiriira ka hortagga faquuqa iyo baxnaanada Qofka la nool cudurka.

Shirkan oo ay ujeeddadiisu ahayd ka hor tagga iyo ku baraarujinta shucuubta kala duwan ee xeryahaasi ku dhaqan halista Cudurradan oo ah kuwo si fudud loo kala qaadi karo iyo sidii ay Dawooyinka ugu qaadan lahaayeen hadba Dalka ay ku nool yihiin, ayaa sanad walba looga hadlaa Ajanda gaar ah oo ku saabsan Qaxootiga.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.