Difaaca jidhka oo la kibciyo wuxuu noqon karaa ka hortag fiican

Waxa jirta in ilaahay jidhkeena u sameeyay Bar ilaalisa, isla markaana sad–goysa dhamaan shaqada jidhka uu qabto.
Difaaca jidhka ee cudurada lagaga hortagaana waxa uu ka mid yahay shaqooyinka jidhku qabto, Fahanka shaqada jidhka bini ‘aadamka oo si qoto dheer loo darso waxay saldhig u tahay daaweynta cudurada badankooda ama waxa kale oo ay ay daah–fur u noqonaysaa la tacaalida cudurada aan daawda wali loo heyn, ama dunida haatan ku cusub.

Waxa xaqiiq ah in Bulsho kastaa leedahay Hab dhaqan dhaqaale oo ay ku daaweyso cudurada ama ay ku daryeesho bukaanka , kaas oo dabada ku haya taariikh fac–dheer oo jiilba jiil ka soo dhaxley.
Waxa aan muran ka jirin in lagu kala gedisanaan karo Hab daaweynta ama daryeelka bukaanka, waxa kale oo lagu kala duwaanaan karaa habka ka hortaga ama la tacaalida cudurada.

Waxaa sharaf iyo karaameyn iga mudan Culimada iyo aqoon yahanka Somaaliyeed ee jecel in ay uga faa’ideyaan bulshadooda baraha is gaadhsiinta.

Waxaa si xushmad ah uga codsanayaa Culimada Somaaliyeed ama aqoon yahanka dar alle u soo gudbinaya isku darka daawo dhaqameed ee ka hortaga daciifnimada difaaca jidhka inay laba mid soo raaciyaan

  1. waa mida hore in dawada ay daliil diini ah, ama dhaqanka ay ka soo jeedo ku soo lifaaqaan
  2. In bulshada loo sheego shaqada ay ka qabaneyso jidhka, xadiga isku darka dawada iyo sida ay xidhiidh ula lahaan karto cudurka la rabo in lagu daaweyo ama laga hortago
    Waxa jira dad faro badan oo qaab dhaqameed doonaya inay ku daweeyaan cuduro aan wali dawadiisa la helin oo uu ka mid yahay cudurkan faraha baas ku haya aduuweynaha ee Corona Virus, kuwaas oo sheegayey dawooyin la isku darayey oo ka hor tag ama daweyn u noqon kara cudurkan, hadaba dadkaasi ayaan labadan su’aalood waydiinayaa si ay u noqoto dawada ay ku dabiibayaan dadka mid anfac leh oo loo aamino.

Waxa jira dalalka ay ka midka yihiin Chinna, Hindiya, iyo dalal kale waxay horumariyeen dawo dhaqameedkooda oo ay casriyeeyeen, waxaana cisbitaal kasta yaalla laba farsami mid dawo dhaqameedkooda iyo mid reer Yurub ah oo isku xadi ah isku waxna dawaynaya, cudurka kasta oo adkaada ama Corona ha ahaado ama mid kaleba ha ahaadee kama badhna inay ku dhex dareen dawo dhaqameedka ay cudurada kula tacaalaan oo meelaha uu ku dhaco mid walba dawo ay ku daweyn karaan u adeegsadeen dabargoynta cudurkan.

Inagguna way jiraan dawo dhaqameedyo wax lagu daweeyo oo aynu dhaqan u lahayn iyo dad aqoon u leh, laakiin ma helin wax horumariya oo xadiga la qaadankaro u cabirey, laakiin dalka shiinaha iyo Hindiya way sii horumariyeen dawo dhaqameedkooda, waana suuragal in cudurkan dalalkooda ka dilaacay u adeegsaday dawo dhaqameedkii uu asalka u lahaa wallow aanay wali shaacin waxay u adeegsadeen inay dabargooyeen inuu cudurku sii faafo oo dadkii uu ku dhacayna ay ka soo kabtaan cudurkii.
kuwii uu hayey way la tacaaleen inuu faafana way joojiyeen, balse illaa hadda dawo rasmi ah oo cudurkaasi loo helay ma jiro.

Dr. Abdifatah Mohamed nuh CHINA , JIANGSU
nuh.china@hotmail.com