Dhaqamada Macalimiinta Iyo Saameya Ardayga!

Macalimiinta dugsiyada ayaa qaarkood caado u leyihiin inay ciqaab kula kacaan ardayda marka ay u arkaan inay gef  sameeyeen. Ciqaabka macalimiinta ayaa aad u kala duwan laakiin dhamaantood waxay ku leeyihiin saamayn waxbarashada Ardayda.

Dalka Maraykanka  macallimad dugisiyada hoose wax ka dhigta ayaa aragtay  mid ardayda ka mid ah, oo fasalka dhexdiisa ku ciyaaraysa iyadoo maqas maro ku jarjarysa.

Macalimadd ayaa inanta ardayada ah ee gacanta ku haysay ka qaaday maqaska isla markaana timaheeda qaybo ka mid ah kaga jartay, laakiin ardayada ayaa si xoog badan qaylo oohin ah oo yaab leh ku dhuftay sidii iyadoo ay halis gashay. Ardaydii arkaysay ee dhinac fadhiyay ayaa dhamaantood si aad u xoog badan u qoslay.

Ardayada ayay maamulka dugsigu isugu yimaadeen markii ay aamusi weyday, waxaana macalimadda ficilkan kula kacday lagu ganaaxay $ 175 iyadoo ardayadana la raali geliyay. Macalimiinta ayaa kula kaca arimoo ciqaab ah ardayga kuwaasi oo  ku keena ardayga in mararaka qaarkood u dugsiga iskaga baxo oo niyada jabo. Ardayada ayaa codsatay in laga bedelo fasalkaasi iyadoo dareemaysa xaqiraad iyo sidii jeesjeeska ahayd ee ay ugu qosleen ardayda fasalkeedu.