Dhalinyaro Lagu Xasuuqay Gobolka Shabeeladda Dhexe

Golooley – (WARSOOR) – 8 dhalinyaro ah ayaa meydkooda laga helay galabata degmada Goloooley ee shabeelada Dhexe, sida ay sheegayaan wararka laga helaayo deegaankaas.

Dhallinyarada, oo qaarkood shaqaale ka ahaa xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka, ayaa waxaa shalay afduubtay rag hubeysan, ayada oo kadibna meydkooda maanta lasoo dhigay laamiga deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadkaas ay shalay wateen shan nin oo wejiyada soo duubtay, waxaana la rumeysan yahay in isla shalay la dilay, balse meydkooda maanta lasoo dhigay laamiga.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhallinyaro ah oo caan ka ahaa degmada Balcad, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay dhacadadan naxdinta leh, iyo weliba cidda ka damebysay afduubka iyo dilka dhallinyarada.

Dhallinyarada la dilay ayaa magacyadoodu yihiin

1- Cumar Xuuti Maxamud
2- Cabdicasis Cabdulqaadir Cabdulle
3- Cali Axmed Cali
4- C/saaq Cabdulaahi Qooble
5- Maxamed Cumar Boore
6- Abuukar Muuse Maaxi
7- Yuusuf Ayuub
8- Iyo Nuur Xaaji Gaas