DF oo war kasoo saartay go’aankii ay qaadatay Kenya, qorsheynaysa jawaab

Muqdisho – (warsoor) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka ay dowladda Kenya ku joojisay dhamaan duulimaadyadii tegi jirey iyo kuwii ka imaan jirey dalkeeda.

Sii-hayaha Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Duraan Axmed Faarax oo ka jawaabaya go’aankaas ayaa ku tilmaamay mid aan rasmi aheyn, maadama uu sheegay inaysan dowladda Kenya kusoo war-gelin arrintaas.

Duraan ayaa sheegay in go’aanka ay Kenya ku joojineyso duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya ay keliya ka arkeen warbaahinta, taasi oo markale mad-madow gelinaysa xiriirkii diblumaasiyadeed ee dhawaan soo cesheen labada dal.

Waxa uu ku sifeeyay tallaabada Kenya mid la yaab leh, xili maalmo kooban horteed la xaliyay xiisadii diblumaasiyadeed, si buu yiri labada dal ay dadka deriska ah noloshooda si caad ah ugu soo noqoto.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday wada-tashiyo kala duwan oo ku aadan go’aanka Kenya, kaasi oo looga jawaabayo tallaabadaas oo aysan kusoo wargelin dowladda, sida uu sheegay Wasiir Duraan.

Hadalkaan ayaa imanaya xili dowladda Kenya ay qaaday tallaabo u muuqata mid aar-gudasho ah, kadib markii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ku dhowaaqday inuu weli hakad ku jiro keenista qaadka nooca Mirra oo laga keeni jiray dalkaasi.

Hay’adda duulista hawada ee dalka Kenya ayaa shaacisay in la hakiyey dhammaan duulimaayada diyaaradaha ka imaada ama tega Soomaaliya, marka laga reebo kuwa gargaarka iyo  diyaaradaha gaarka ah ee la shaqeeya hay’adaha Qaramada Midoobay.

Sidoo kale hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu dhaqan-galayo laga bilaabo maanta oo ku taariikheysan 11-bishan May illaa 9-Bisha soo socota Agoosto ee sanadkan 2021-ka.

Tan iyo markii uu soo baxay go’aankaan waxa uu isla-markiiba saameeyey shacab u soo socday gudaha Soomaaliya, kuwaas oo saaka loo diiday inay kasoo ambabaxaan dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabadan ay ka dambeyso, sababo la xiriira qaadka ay weli hakineyso Soomaaliya ee uga imaan jiray dhinaca Kenya, ayada oo la xaliyay xiisadii diblumaasiyadeed, hase yeeshe waxay arrintaan u muuqata mid markale dib usoo istaadheysa khilaafka labada dhinac.