Dawladda Talyaaniga oo soo saartay sharci lagu xadidayo dadka soo galootiga ah

Talyaaniga – (waraoor) – Dawladda Talyaaniga ayaa soo saartay sharci lagu xadidayo dadka soo galootiga ah, si loo yareeyo qulqulka qaxootiga soo galaya Talyaaniga.

Ra’iisla wasaare ku xigeenka Talyaaniga ahna wasiirka arrimaha gudaha  Matteo Salvini ayaa wareegto ku soo saaray xeerkan, kaas oo madaxwaynaah Talyaanigu uu dalbaday inay Baarlamaanku meel mariyaan.

waxaa meesha ka baxaysa fursadii ahayd in dadka wadamadooda nabadi ka jirto la siiyo sharci magangalyo oo xagga bini’aadanimada ah, dadka hadda haystana looma cusboonaysiinayo.

Waxa uu sharcigan amrayaa in la xiro Badda si aysan uga soo galin doonyaha Tahriibayaasha wada, waxaa la dheereeyey mudada dadka ay ku dalban karaan sharciga Talyaaniga iyo lacagta lagu bixiyo, taas oo cadaadiska loogu badinayo dadka soo galootiga ah.

Shantii bilood ee la soo dhaafay waxaa yaraaday dadka qaxootiga ah ee soo galaya Talyaaniga, ka dib markii dawladdu qaaday tallaabooyin lagu xakamaynayo qaxootiga, kuwaas oo isugu jira sharciyo iyo talaabooyin ciidamadu horseed ka yihiin.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.