Dawladda Soomaliya iyo Hay’adda Duulimaadyada Qarammada Midoobey ee ICAO oo ku Heshiiyey In aan Xamar Dib Looga Celin Qalabkii Afduubka ku Yimi ee ay Lahayad Hay’adaasi.

Muqdisho – (warsoor) – Hay’adda maamulka hawada u qaabilsan Somalia ee ICAO iyo dawladda federaalka soomaaliya ayaa ka heshiiyay khilaaf mudaba ku dhex jiray oo la xidhiidhay qalabka ay ICAO lahayd ee sida xooga ah ay kula wareegtay Wasaaradda Duulista ee dawladda federaalka Soomaaliya.

Khilaafkaas oo mudo socday ayaa dhowaan lagu soo af-jaray in ICAO gacanteeda qalabkaas dib loogu celiyo, si ay u dhammaystirto rakibaada waxii ka qabyo ah sidoo kalena iyadu gacanta ku hayso maamulkiisa, laakin aan qalabkaas laga rarin Muqdisho ee uu noqdo mid si rasmiya ah uga hawl-gala Xarunta Somaaliya ee Muqdishu iyada oo xaruntaasi gebi ahaan ka madaxbanaan tahay masuuliyada dawlada federaalka sida ay Shabakada Dubaarnews u xaqiijiyeen Ilo u dhuun daloola  Xarunta Guud ee  ICAO  Montreal, Canada, illaa inta laga gaadhayo dhammaadka xilliga mashruuca kala-guurka, kaas oo siinaya masuuliyada maamul  in ay ICAO gacanta ku sii hayso maamulka hawada Soomaaliya, sababtaas ayay ICAO uga hawgalaysaa ulana wareegaysaa xafiiska cusub ee muqdisho iyada oo shaqaalaheeda qaar ka mid ah gaynaysa Muqdisho dhammaadka bisha Sebtember sanadkan, taasina waxay meesha ka saaraysaa sheegashadii Wasaarada Duulista Soomaaliya ee ahayd in ay la wareegayso maamulka hawada.

Dhinaca kalena xafiiska Nairobi ayaa sidiisa u sii shaqaynaya iyada oo si dhakhso ahna loo hirgelinayo, loona qalabaynayo madaarada Hargeysa iyo Berbera ee Soomaaliland iyo qaar ka mid ah Puntland sida uu mashruuca xilliga kala-guurku sheegayay.

Dhammaan dedaaladaasi waxay qayb ka yihiin in dhammaan Soomaaliya qaybaheeda loo dhammaystiro awoodda xirfadeed iyo qalab ee ay ku hananayaan maamulka hawadooda; intaan mashruuca xiliga kala-guurku dhammaanin; sida ay Shabakada Dubaarnews u xaqiijiyeen ilahaasi lagu kalsoonyahay.

Waxa kale oo ay ilahani Shabakada u xaqiijiyeen in aanay  jirin  xilligan cid hawada soomaaliya lagu wareejinayaa, sidoo kalena aanay jirin  meel ay ICAO ku ogolaatay in ay cid gaara ku wareejiso iyadoo sharciyan aqoonsan in dawlada sharciga ahi ee aduunka Soomaaliya u aqoonsan yahay ay tahay Dawlada Federaalka.

iluhu waxa ay shabakadda u xaqiijiyeen  in aanay wakhtigan ICAO rabin in khilaaf hor leh mandaqada ka abuurmin, sidaa darteena ay ICAO gacanta  ku sii hayn doontaa maamulka hawada ilaa uu ka dhamaanayo xilliga ku cayiman mashruuca kala-guurka.

Ilo wareedyadan ayaa tilmaamay waxii ka danbeeya Soomaalida in ay  u taallo in ay isa soo hor fadhiistaan oo is faham ka gaadhaan arrimaha hawada, taas ayaa noqonaysa mid dhabaha u xaadha suurtagalnimada in Soomaalidu mar kale dib u hanato maamulka hawadooda, inta ka horaysa waxay ku sii jiri doontaa gacanta ICAO oo ah hayad Qaramada Midoobay. Dhinaca kale warar aan la shaacin ayaa tibaaxay in Wasaaradaha Duulista Ee Dawlada Federaalka ee Soomaaliya iyo Soomaaliland ay is faham hor dhac ka gaadheen sidii wada hadal la isugu iman lahaa ka hor inta aanay dhammaan muddada mashruuca ICAO ee xilliga kala-guurka.

Xogo dahsoon ayaa sheegaya in badhtamaha bishan September ay khubaro labada wasaaradood ka socdaa ku kulmayaan Jabuuti si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada in ay dib ula soo noqdaan maamulka hawada Soomaaliya.

Sida la-ogyahay muddo dheer ayay maamulka hawada Soomaaliya ka maqnaa masuuliyada Soomaalida taas oo aduun badan oo wax tar wayn ku kordhin lahaa dadaalada nabadaynta iyo horumarka ee dhulka soomaalida uu seegay.

sababta in ay Soomaalidu hawadeeda hanato waqtigaa soo gaadhsiisayna waa sababta soomaalida lafteeda ah,  oo ku guuldaraystay in ay aragtiyaha siyaasadeed iyo afkaaraha lagu kala duwan yahay dhinac isaga leexiya lana yimaado bisayl iyo isu tanaasul suurta gelin Kara in ay hawadooda iyagu maamushaan.

Nasiib daro, taasi way adagtay waxaana u markhaatiya iyadoo dhawaaqa dawlada federaalka Wasiir duulista ka soo baxayaa sheegayo in ay  hawadii si shakhso ah ula wareegayaan halka dhawaaqa Soomaaliland ka soo baxayaana sheegayo in aanay suurta gal ahayn ilaa heshiis laga gaadho in hawada lala wareego.

Ugu danbayn, waxaynu eegnaa waa ayaamaha tirsan ee soo socda oo inoo iftiimiya xogta la xidhiidha gacan ku haynta hawada guud ahaan Soomaaliya, iyada oo isha lagu hayo dadaalada socda iyo waxa ka soo baxa, gaar ahaan haddiiba ay jiraan isku dayo ay masuuliyiinta qaybaha Soomaalida ee kala duwani ku gaadhi karaan heshiis guul u horseedi kara dhammaan ummadda ay xilalka u hayaan oo khilaaf iyo dagaal mudo dheer la noolaa, una baahan in loo abuuro rajo nololeed iyo war farxad geliyay oo dhagahoodu maqlaan, si ay u illaabaan xanuunka ka soo gaadhay waayihii hore ee duruufaha qalafsanaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.