Dawladda Ereteriya Oo La Filayo In Ay Door Ka Qaadato Wada Hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa – (warsoor) – Dowlada Erateriya ayaa la sheegay inay door mihiim ah ka ciyaari doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay dib u furmi doonaan dhawaan, iyadoo todobaadkan dalka ay socdaal ku yimadeen wefti culus oo ka socda Dowlada Erateriya oo usoo diray Madaxqweynaha Dalkaa Isaias Afwerki ,kuwaas oo kullamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, isla markaana socdaal ku tegay xarumaha siyaasadda dalka laga jaan-gooyo goobo kale

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu Madaxweynaha dalka Erateriya uu door mihiim ah ka ciyaarayo is badelka Geeska Afrika ka curtay , isagoo ku amaanay Mr Isaias Afwerki halgankii uu soo galay gobanimadoonkii dalkiisa Erateriya, waxaanu u dhignaa hadalka Madaxweyne Biixi sidan“Dabaysha ka socota ee la yidhi nabadayta geeska Afrika iyo waa laga midoobayaa ay Dowladaha qaarkood ku dhawaqeen , waxa u hormood ah Madaxweynaha erateriya Isaias Afwerki  intii uu noolaa ilaa maalintuu isagoo injineer bilaabay sanadka uu horeeya uu ka tegay ilaa maanta wuxuu ku jiray Dagaal uu gobanimada ugu doonayo Erateriya 32 sano dagaal ayuu ku jiray markii dagaalkii uu dhammaday Itoobiya ayaa cod ka qaaday  oo Xorriyad ayuu ku qaatay , haddan Itoobiya ayey is dileen oo ay dal isku qabsadeen dad badan oo malaayiin gaadha ayaa ku dhintay haddana 11 sano oo kale ayuu gadoon ahaa oo uu u adkaystay cadaasit kasta oo la saaray, inuu u hoggaansamo gudidii jimciyada quruumaha ka dhaxasa ee shirkii Algerias inuu aqbalo isagoo uga diiday afar mitir oo dadlkiisa oo Baadhama Tuullada ah  xadka u jirta in laga qaado oo cid kale la siiyo ayuu tu wal-ba u maray tiisii ayey noqotay caalamka oo dhan ayaa halkiisii ugu yimi Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa la idhi ugu tag Asmara adigu oo dhulkii dhulkii aad ku muranteena sii isagana talada ka qaado , wuxuu muujiyey inuu muraadkii uu dalkiisu lahaa halgan uu uga hadhi waayey ilaa cidii ku haysatay uu ku xukuntay.”

Waxaanu intaasi ku daray Madaxweyne Biixi in qadiyada Somaliland ay ka sii adagtahay taa uu kasoo waramay ee Dalka Erateriya “Somaliland kaa wey ka sii adag tahay .”Ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Dhanka kalene Ismaaciil Xuseen Farjar, oo ka tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda ee loo soo gaabiyo magaceeda CPA oo la hadlay Tv-ga goobjoog, ayaa ka haddlay weftigii ka socda Ereteriya ee Somaliland socdaalka ku yimi “Weftigan Erateriya marka aad eegtid sida uu sheegay Wasiirkooda war-faafintu laba ujeeddo ayaa ugu waa weynaa wax-yaabaha ay u yimadeen mid waxa weeye inay arrinta Somaliland dib u eegaan oo xidhiidh cusub ay bilaabaan, qodobka labaadna wuxuu ahaa is dhex-galka nabada ee Geeska Afrika ka socda .”

Waxaanu Ismaaciil Xuseen Farjar xusay inuu is badel weyni uu ku yimi arragtidii siyaasadda Erateriya eek u aadanay Somaliland “Markaa marka aad eegtid safarkoodan ay ku yimadeen oo laba nin oo aad u cul-culus , marka laga eego arrimaha diblamaasiyadda ee dalka erateriya ay ku yimadeen Somaliland gaar ahaan la taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha eratariya ee Madaxweyne Isaias Afwerki   iyo wasiirka Arrimaha debada,waxay muujinaysaa in is badel weyni uu ku yimi siyaasaddii dalka erateriya ee ku aadanay Somaliland , waayo waxaynu naqaanay in erateriya in badan aanay la dhacsanay Somaliland oo ay aad aragtideedu u jan-jeedhay dhinaca Somaaliya iyo is raacsanaanta dhul ahaaneed ,

Ismaaciil Xuseen Farjar oo haddalkiisa siiwata ayaa sheegay “hase ahaatee waxa muuqata iminka arrintan oo weliba arrinta xiisaha lihi ay tahay in aanay safarkoodu ahayn mid siyaasadeed oo keliya hase ahaatee uu xidhiidh cusub in la abuuro uu yahay , wax aka marag kacay muddo saddex maal-mood ah ayey Somaliland joogeen, waxay bookhdeen Jaamacadihii waxay bookhdeen xarumihii siyaasadda, waxay bookhdeen goobihii makhaayadaha caadiga ah magaalada dhinac walba wey dhex-qadeen taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay in erateriya ay wakhtigan ka go’antahay inay wax badan ka Badesho siyaasadoodii ku aadanay Somaliland, waxaad moodaa inuu baal cusubi uu u furmaay Xidhiidhka Somaliland iyo erateriya .”Ayuu yidhi Ismaaciil Xuseen Farjar

Dhanka kanela Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa sheegay inay Erateriya ay door ku yaalan doonto wada haddalada Somaliland iyo Soomaaliya,“Door mihiim ah ayey ku yeelan kartaa laba arrimood-ba mar erateriya waxay haatan xubin fir-fircoon ka tahay urur goboleedka IGAD , markaa IGAD-na waa dadka gobolka ee ugu dhow arrinta Soomaalida in go’aan laga gaadho , qodobla labaadna waxa weeye Erateriya waxay saxiib dhow wakhti dheer la’ahayd Soomaaliya oo Madaxweyne Farmaajona aad ayey iskugu dhow yihiin marka aad iminka eegtid siyaasadda erateriya xiligii inoogu dambaysay, markaa saamayn badan ayey ku yeelan kartaa .”

Xigasho: Waaberi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.