Dagaal Dhex-qarxay mamulka Puntland iyo Koox burcad badeed ah oo Markab ku heysata Degmada caluula.

Somaliya-(warsoor)-Wararka ka imaanaya Degmada Caluula ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Badda maamul goboleedka  Puntland iyo kooxo burcad badeed Soomaali ah uu goordhaw ka dhacay meel ku dhaw Deegaanka Xaabo.

Dagaalka ayaa dhax maray Ciidamada Badda Puntland iyo kooxo hubeesan oo heesta markabka Aris 13 oo malamo kahor lasoo qafaashay, Markabkan ayaa watay Calanka Sri Lanka waxaana maamusha shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

Guddoomiyaha Degmadda Caluula Cali shire Maxamuud ayaa sheegay in uu dagaal dhax maray ciidamada Badda Puntland iyo koox katirsan burcad badeeda , waxa uuna sheegay in ciidamada Badda Puntland isku dayayaan in ay gacanta ku dhigaan Marakbka.

Dagaalka dhex maray ciidamada Badda Puntland iyo kooxda Burcad badeeda ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro , walina lama shaacin khasaaraha Ciidamada Puntland kasoo gaaray dagaalkaasi.

Ciidamada Badda Puntland ayaa isku dayaya in ay xoog kusoo furtaan Markabkan ay heestaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida , waxa ayna Kooxdan horey u sheegtay in ay markabkan ay tahay sababta ay u haystan in ay maraakiibta jiiriif ku haysa badooda ay iska baxaan iyagoo ku andacoonaya in ay maraakiibtani ka jarjaraan kaluumeysigooda  .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.