Dadweynaha Somaliland Oo Ka Cawday Qiimaha Shidaalka

HARGEYSA – (WARAOOR) – Dadweynaha oo u badnaa darawalada gaadiidka kala duwan ee ku nool qaybo ka mida caasimada Hargeysa oo u waramaaya wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in shidaalkaas qiimihiisu kor u kacay ay ku qabaan dhibaato dhaqaale oo saamaysay noloshooda.

Dadweynahaas waxay wasaaradda ganacsiga ugu baaqeen inay arrintaas wax ka qabashadeeda ka hawl-gasho, si dadka looga jabiyo qiimaha shidaalka oo saamayn ku yeeshay noloshooda.