Dad Shacab ah oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdisho – (WARSOOR) – Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen miino kula qaraxday gaadhi ay wateen duleedka magaalada Muqdisho, tiro kale oo intaasi ka badan inay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Dag goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qarraxa oo ka dhacay agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi uu la qarxay gaadhi ay wateen dad u badnaa hal qoys oo u socday in ay ka qeybgalaan aas ka dhacay duleedka Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee deegaanka Ceelasha Biyaha, Mudane Muxudiin Cabdikariin faarax oo wareysi siiyey mid ka mid ah Idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ka bad-baaday kaliya gabar yar oo ka mid ah aheyd rakaabka, islamarkaana dhammaan dadkii kale ee gaariga la socday oo gaarayey illaa 20 qof ay soo gaartay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.