Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa Weyn ee Magaalada Jig-jiga

JIGJIGA – (WARSOOR) – Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Jig-jiga ee Caasimada DDS, gurmad balaadhan oo ka socda ciidanka Dabdamiska Somaliland ayaana gaadhay halkaasi, si ay qayb uga qaataan daminta iyo xakamaynta dabkaasi.

Dabkan oo haatan la xakameeyey ayaa lagu soo waramayaa in uu khasaare laxaadle gaadhsiiyey qaybo badan oo ka mid ah suuqaasi.