Daawo Shirkad Casriya Oo Sahamintii Ceelasha Riiga Ee Biyaha Sahlaysa Oo Hargeysa Lagu Daah-furay

Hargeysa – (warsoor) – Shirkada Horn Drilling Company oo ah shirkad waddani ah oo qaabilsan sahaminta iyo baadhida Ceelasha Biyaha ee Riiga ah,ayaa laga aas-aasay magaalada Hargeysa.

Shirkadan oo ay aasaaseen aqoonyahan da’yar oo reer Somaliland ah ayaa waxa ay kaafiyeysaa baahidii bulshadu ay u qabtay in la helo xogo sugan oo lagu beegsan karo goobo ku haboon in ceelaal biyood laga qoto iyadoo isla markaasina ku qalabaysan qalab casriya oo sahlaaya in si fudud loo ogaado goobaha biyaha leh iyo sidoo kale baaxadooda iyo macaan iyo qadhaadh midka ay yihiin.

Shirkadan Horn Drilling Company ayaa sidoo kale waxa ay keentay riigag lagu qodaayo ceelasha biyaha kuwaas oo ay qiime macquul ah kuugu qodi-doonto.

Si aad uga bogatid xogtan fadlan daawo muuqalkan hoose:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.