Culimada iyo Ganacsatada Waaweyn ee Somaliland oo Baaq Ku Saabsan Ilaalinta Nabad-galyada Dalka u Diray Siyaasiyiinta iyo Bulshadda Qaybaheeda Kala Duwan

Hargeysa – (warsoor) – Culimada iyo Ganacsatada Waaweyn ee Somaliland ayaa bulshadda qaybaheeda kala duwan ugu baaqay inay ilaaliyaan nabad-galyada xiliga doorashadda, waxaanay dardaaran u jeediyeen Xisbiyadda Qaranka, muraaqibiinta iyo guddida doorashooyinka ee gacanta ku haya arimaha doorashadda.

Culimadan iyo Ganacsatada waaweyn ee dalka ayaa bulshada ugu baaqay inay taageeraan cid kasta oo ku guulaystadda tartanka doorashadda madaxweynaha ee dhici doona 13 November, kuna qancaan go’aanka ay ku dhawaaqi doonan guddida doorashooyinka qaranka.

Kulankan laga soo saaray baaqa oo ka dhacay huteel Ramaas ee magaaladda Hargeysa, waxaana soo qaban-qaabiyey culimadda waaweyn ee dalka, waxaana ka soo qayb-galay ganacsatadda waaweyn ee dalka iyo xubno ka socday bulshadda qaybaheeda kala duwan.

Kulanka ayaa markii uu dhammaaday waxa laga soo saaray baaqa, waxaana nuxurka shirkaasi ka hadlay guddoomiyaha shirkadda TELESOM Cabdikariin Maxamed Iid, Guddoomiyaha Dahabshiil Group, Maxamed Siciid  Ducaale (Dahabshiil), Ganacsadde Aadan Barradho, Maxamed Cali oo ku hadlaayey Afka Oomaar Company, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Shukri, Sheekh Xasan Cabdisalaan, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw-cali Faarax iyo guddoomiyaha daladda dhalinyarada Somaliland Cabdicasiis Siciid Saalax.

Dhammaan masuuliyiintan ayaa bulshadda qaybaheeda kala duwan si aad ah ugu adkeeyey inay ilaaliyaan nabad-galyada dalka, waxaanay dhalinyaradda muraaqibiinta aad u dardaarmeen inay ilaaliyaan dhaartii komishanka doorashooyinka qaranku dhaariyeen ee ahaynd inay si caddaalad ah iyo oo daacadnimo ah u guddan doonaan hawsha loo igmaday.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.