Coronavirus: Sarkaal Shiinees ah oo qiray sida uu u liito hannaanka caafimaadka ee dalkaas

Shiinaha – (warsoor) – Cudurka safmarka ah ee coronavirus waa “tijaabo wayn” oo bannaanka soo dhigtay sida hannaanka caafimaadka dadweynaha Shiinaha uu u liito, sarkaal sare ayaa warbaahinta Shiinaha sidaasi u sheegay.

Qirashadaas dhifka iyo naadirka ah, ee uu sameeyay Maareeyaha Golaha Caafimaadka Qaran ee Shiinaha Li Bin, ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii dhaleecayn joogta ah ay dibadda uga imanaysay Shiinaha taas oo ku aadanayd sida uu dalkaas cudurka ula tacaalay.

Dalka ayaa haatan waxa uu horumarin doonaa waaxda ka hortagta cudurrada, hannaanka caafimaadka dadweynaha iyo sida xogta loo uruuriyaba, ayuu yiri.

Shiinaha ayaa waxa uu kaalmo u fidiyay Kuuriyada Waqooyi si ay ula tacaasho cudurka safmarka ah ee halkaas ka jira.

Mr Li ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in cudurka safmarka ah uu caqabad weyn ku noqday hab maamulka Shiinaha, oo misana uu bannaanka soo dhigay “galdaloollada habka aynu ula tacaalnay cudur safmar ah oo ballaaran iyo hannaanka caafimaadka bulshadaba.”

Shiinaha ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu si gaabis ah uga jawaabay astaamihii ugu horreeyay ee fayraska ka soo bilowday magaalada Wuhan, iyo inuu ku guuldarraystay inuu si degdeg ah cudurka dilaacay ugu wargeliyo bulshada caalamka.

Shiinaha ayaa waxa uu gaashaanka u daruuray codsi ahaa in baaritaan caalami ah oo madax bannaan lagu sameeyo halka uu ka soo bilowday fayraska.

Bishii Abriil warbixin uu soo saaray Midowga Yurub ayaa lagu eedeeyay Shiinaha inuu xog khaldan ka faafinayay dhibaatada.

Dhakhtar iskudayay inuu mas’uuliyiinta uga digo fayraska bishii Diseembar ayaa waxaa loo sheegay inuu joojiyo “hadalka beenta ah ee uu faafinayo”. Li Wenliang ayaa markii dambe cudurka Covid-19 ugu dhintay isbitaal ku yaal magaalada Wuhan.

Shiinaha ayaa diiwaangeliyay in 4,637 oo qof ay u dhinteen cudurka coronavirus, sida lagu sheegay xog ay soo saartay Jaamacadda Johns Hopkins, halka la xaqiijiyay ku dhawaad 84,000 oo xaaladood. Dunida oo dhan cudurkaasi waxa uu ku dilay in ka badan 275,000 oo qof halka ku dhawaad 4 milyan oo qofna waxaa la xaqiijiyay inuu cudurku ku dhacay.

Shiinaha ayaa haatan waxa uu gacan u fidiyay Kuuriyada Waqooyi, kaddib markii hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu Xi Jinping ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19, warbaahinta qaranka Shiinaha ayaa sidaasi ku warrantay.

Xigasho: BBC SOMALI