Ciidanka Illaalada Socdaalka oo Gacanka Ku Dhigay Rag Faojari Gareeyay Fiisaha Degenaanshasha Somaliland

Hargeysa – (WARSOOR) – Ciisanka Socdaalka iyo Illaalinta xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland,ayaa gacanka kusoo dhigayrag foojarigareeyay fiisaha dal ku galga iyo Degenaansha Somaliland =,ka dib muddo ay ku raad joogeen.

Labada ragga foojarigareeyya ee ciidanka socdaalka iyo illaalinta xuduudaha Somaliland ay gacanka kusoo dhigeen ayaa ah rag u dhashay dalka Pkistaan.

Qooraal rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka Socdaalka Somaliland,ayaa u dhignaa sidan. “Ciidanka socdaalka iyo ilaalada xuduuduhu ayaa dabagal ay sameeyen gacanta ku soo dhigay saddex nin oo u dhashay wadanka Pakistan oo magacayadoodu kala yihin :

  1. Naseer Ahmed Khokhar 44 jir dhalashadisu tahay Pakistani.
  2. Abrar Javed, L/24 jir, dhalashadiisu tahay Pakistani .
  3. Shabbir Hussain, L/38jir , dhalashadiisu tahay Pakistani .

Kuwaas oo foojar-gareeyay fiisaha deganaanshaha Jsl ( Somaliland Residence Visa ) Baadhis dheer kadib oo ay cidanka socdaalku ku sameeyeen saddex-daas eedaysane ee Pakistanida ah waxa lagu helay in ay wadanka sifo sharci darro oo dhumasho ah ku soo galeen ,kuna joogeen sido kale ay foojari gareeyeen Document qaran.

Cidanka socdaalka iyo ilaalada xuduuduhu kiiska saddex-daas eedaysane gal dacwadeed kooda wuxuu u gudbiyay hay’addaha garsoorka ee ku shaqadda leh ee Xeer ilaalinta iyo Maxakamadda awooda u leh.”

Waxaana la horgeeyya sadexda Nin ee u dhashay dalka Pakistan,ka dibna waxay Maxkamaddu ku xukuntay midkiiba saddxe sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed.