Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo Heegan Buuxa ka Galay Roobab Dabaylo wata oo Maalmihii u Dambeeyay La Saadaalinayay

Hargeysa – (WARSOOR) – Dhammaan Ciidanka Dab-demiska iyo Talisyada Gobolada iyo Degmooyinka Ciidanka Dab-demiska Qaranka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay heegan buuxa ka galay sidii loola socon lahaa Ilaahay inaguma keenee Roobab Dabaylo wata oo maalmihii u dambeeyay la saadaalinayay inay ka da’ayaan guud ahaan Gobolada Somaliland.

Sida aanu ka soo xiganay Haayada ka hortagga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka( NADFOR) waxaa la filayaa muddo todobaad ah ay socdaan Roobabkaasi sida ay sheegeen haayadaha Saadaasha ee Geeska Afrika iyo kuwo caalami ah, Roobabkaas oo badi ku soo beegan dhulka Xeebaha Somaliland.

Roobabkan ayaa ilaa hadda ka da’ay Goobo ka mida Somaliland kuwaasoo aan keenin khasaare, sidoo kalena Magaalooyinka kalena Daruuruhu ay isa soo qabsadeen.

Digniin : Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo badanaa ka hawlgala Goobaha laga soo sheego dhiillada iyo Samatabixinaha, wuxuu digniin u dirayaa dhamaan shacbiweynaha Somaliland inay ka digtoonaadaan kana fogaadaan goobaha Dooxyada iyo Laagaha.

Dhanka kale Darawalada Gaadiidka ayaa fariintani si gaara u khusaysaa inaanay Naftooda iyo hantidooda halis ku gelin goobaha khataraha ah ee dooxyada ee halistu ka iman karto.

Somaliland Fire Brigade and Rescue Service
Hargeisa/Somaliland
990 Emergency Call

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.