Ciidanka dab-demiska caasimada hargeysa oo ku guuleystay daminta Guryo Badan oo isku Rarana iyo Faarad ku kala kala gubtay degmooyinka koodbuur iyo gacan libaax

Hargeysa – (warsoor) – Ciidanka Dab-demiska Qaranka Gaar ahaan Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore ee saaka u baxay Dab weyn oo kacay degmada Ibraahim Koodbuur gaar ahaan isgoyska xero awr, dabkaas oo noociisu ahaa Meherad Faarada ah ayaa isla markii ciidanka dabdemiska lagu soo wargeliyay dabkaas si deg dega ugu baxay waxaanay daqiiqado yar oo kooban ku gaadheen dabkaas.

Dabkan aya waxaa sababay Shoodh Laydh sida dadweynaha goobta joogay ay nagu soo wargeliyeen, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada hargeysa si hagar la’aana ula dagaalamay dabkaas isla markaana ay u bakhtiiyeen iyadoo dhamaan a laga soo samatabixiyay dadkii iyo wixii kale ee agaba ee laga gaadhay.

Sidoo kale ciidanka dabdemiska ayaa xakameeyay dabkaasi inaanuu ku fidin agagaarka guryaha u dhawaa, waxaana ciidanku dabdemiska ilaahay ku guuleeyay daminta dabkaasi. waxaa iyaduna xusid mudan in Sarkaal Ciidanka Dab-demiska ka tirsani uu dhaawac ka soo gaadhay dabkaas gaar ahaan Shoodh Laydh oo ku dhagay, waxaana markiiba Qaybta Gargaarka Deg dega ee Ciidanku gaar ahaan waaxda Caafimaadku ay Gargaar u Fidiyeen.

dhanka kale saacado yar kadib waxaa iyadana dab laga soo sheegay Degmada Gacan Libaax Gaar ahaan Xaafada Cabaaye, Dabkaasi oo ahaa Guryo Farabadan oo Jiingadaa isla markaana aad iskugu dhawaa dhamantood ayaa ciidanku mar labaad u baxay, waxaana ciidanka dabdemiska caasimada Hargeysa gaadheen goobtaas iyadoo isla markiiba la bilaabay hawlgalka dabkaas oo Muddo Saddex Saacadooda Qaatay.
Dabkan ayaa waxaa uu ka bilaabay Jiingad ka mida guryahaa waxaana sida dadweynaha goobta joogay noo xaqiijiyeen inuu sababay dabkaa Shoodh Laydh, waxaana dabkaas oo aad u weynaa Ciidanku gababadii ku guuleysteen Daminta Dabkaas iyadoo aanay Jirin Wax khasaare Nafeed ah oo ka soo gaadhay Guryahaa Gubtay.

Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa waxaa ay xakameeyeen dhamaan dabkaa iyadoo ay u dhawaayeen guryo waaweyn iyo sandaqo aad u fara badan oo isku dhaw dhaw.

Ugu dambayn waxaa Ciidanka Dabdemiska iyo Maamulka sare ee Dabdemisku ay fariin u dirayaan dadweynahu marka dab uu dhaco inaanay ku soo uruurin isla markaana aanay buuq iyo sawaxan ka samayn goobta laga fulinayo hawlgalka dabka, sidoo kale markasta Dadweynuhu ay baneeyaan waddooyinka markasta oo hawlgal dab jiro si gurmadka deg degaa loo gaadho.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka.
Hargeysa/ Somaliland.

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap