Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo U dabaal-dagey aas-aaskooda

Muqdisho – (warsoor) – Ciidanka Asluubta soomaaliya ayaa Maanta xusaya sanad guuradii 50-aad ee ku beegan aas-aaskooda.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxa uu ka mid yahay Ciidamada Dalka, waxa uuna si gooni ah ugu xilsaaran yahay Ilaalinta Maxaabiixsta iyo Xabsiyada Dalka, waxaana la aas-aasay 22-kii Febraayo sanadkii 1970-kii, iyadoo tan iyo xilligaasi uu si hufan u gutay waajibaadkiisa marka laga reebo dhowr iyo 20-kii sano ee uu dalku bur-bursanaa.

Xarunta Ciidamada Asluubta Waxaa ka socda hadda qabanqaabada munaasabadda lagu xusayo sanad-guurada ka soo wareegtay aas-aaska Ciidankaasi, waxaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan Mas’uuliyiinta dowlada qaarkood, si ay khudbad uga jeediyaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.